Ciidamo Soomaali ah oo Itoobiya lagu soo tababaray oo afar ruux ku dilay inta u dhaxeysa Deegaannada Xaawa Cabdi iyo Ceelasha Biyaha

Cabirka Farta

Sabti, August 09, 2008(HOL): Ciidamo Soomaalia ah oo lagu soo tababaray Dalka Itoobiya oo socod lugta ah oo ay uga soo baxeen Magaalada Baydhabo ku tegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa intii ay jidka ku sii jireen waxay inta u dhaxeysa Deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi ku dileen afar ruux oo la sheegay in ay rayid ahaayeen.

Ciidamada oo Boolis ah ayaa la sheegay in ay afartaas ruux oo rag ahaa dileen kadib markii inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Ceelasha biyaha lagula beegsaday Qarax, iyagoo kadibna dilay afartaas ruux, halka ay rasaas lugaha jebiyeen Haweeney maqaayad ku lahayd halka ay afarta ruux ku dileen.

Ciidamadan oo shalay gelinkii dambe dagaal uu ku qabsaday Degmada Afgooye ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay gaareen oo ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, iyadoo intii ay sii socdeen-na uu hakad galay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Ugu dambeyntiina, Ciidamadan lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya ayaa waxay noqonayaan kuwii labaad ee Muqdisho gaara, waxaana horay Muqdisho u soo gaaray Ciidamo Mileteri ah oo iyana lagu soo tababaray Dalka Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia