| Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya-Maxamed Cali Ameerika |
Safiirka oo isagoo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari la soo xiriiray HOL ayaa wuxuu sheegay in Lamaanayaasha Jarmalka u dhashay oo lagu kala magacaabo Jurgen Gustev Kontner iyo Sabine Ilse Merz ay xaaladdooda wanaagsan tahay isla markaana uu galabta u kaxeyn doono Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kadibna uu ku wareejin doono Safaaradda Jarmalka ee Magaalada Nairobi.
Safiirka ayaa sheegay in uu muddo seddex maalmood ah oo uu ku sugnaa Magaalada Boosaaso uu ku howlanaa sidii loo sii deyn lahaa Lamaanayaashaas Jarmalka u dhashay, wuxuuna sheegay in uu ugu dambeyntii ku guuleystay in la sii daayo, isagoo arrinta sii deyntana uga mahadceliyay Madaxda maamulka Puntland iyo weliba Odayaal ka soo jeeda Deegaankii lagu heystay Labada Lamaane.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa wuxuu yahay Safiirka ugu shaqada badan Safiirrada Dowladda Federaalka u fadhiya Dalalka Caalamka, waxaana taasi marag muujin u ah sida uu mar kasta ula socdo xaaladda Dadka iyo Dalka Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd Arrimaha Diblumaasiyadda iyo weliba Arrimaha kale ee ka socda gudaha Soomaaliya.
| Lamaanayaasha la sii daayay-Jurgen Gustev Kontner iyo Sabine Ilse Merz |
Dadkaas Garoonka Jomo Kenyata ku xayirnaa oo tiradooda gaarysay 50 ruux, isla markaana ka koobnaa dadka Bulshada ugu nugul sida Haweenka, Caruurta iyo Dadka Waayeelka ah ayaa waxay ka heleen Safaaradda Soomaaliya ee Kenya daryeel kasta oo ay u baahnaayeen haddii ay ahaan lahayd raashin ay cunaan, biyo ay cabaan iyo weliba daweyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia