Lamaanayaal Jarmalka u dhashay oo Af-duub loogu heystay Deegaannada Puntland oo la sii daayay

Cabirka Farta

Sabti, August 09, 2008(HOL): Waxaa xalay Saqdii dhexe xoriyadoodi dib u helay labo Ruux oo u dhashay dalka Jarmalka ah, kuwaasi oo Kooxo Burcad Badeed ah ay af-duub ugu haysteen Buuraha Calmadaw ee Gobolka Sanaag muddo lix bilood gaareysa.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Gobolka Sanaag ayaa u xaqiijay HOL in kooxahaasi Burcad Badeedka ah la siiyay Lacag madax furasho ah oo aan ilaa iyo hadda la cayimin inta ay gaarayso.

Labadaan ruux ee mudada afduubka loo haystay ayaa lagu kala magacaabaa Jurgen Gustev Kontner iyo Sabine Ilse Merz, waxaana si aad ah looga soo dayrinayaa xaaladdooda caafimaad, bacdamaa ay muddo ku afduubnayeen Buuraha Calmadaw ee Gobolka Sanaag.

Kooxihiii Burcad Badeedka ahaa ee dadkaasi af-duubka u haystay ayaa la soo sheegayaa in ay isaga tageen Buuraha Calmadaw ee Gobolka Sanaag, iyaga oo adeegsanaya doomaha nooca dheereeya.

Labadaasi ruux ee mudada af-duubka loo haystay ayaa markii danbe la keenay Xarunta Ciidamada Sirdoonka Punland ee loo yaqaano P. I. S ta si looga dhoofiyo Garoonka Diyaaradaha Bandar Qaasim ee Magaalada Boosaaso.

Sii daynta labadaan ruux ee Lamaanaha ah ayaa ku soo beegmaysay, iyadoo waqtiyadii ugu danbaysay ay soconayeen dadaallo lagu soo furdaaminayo dadkaasi, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen Odayaasha Gobolka Sanaag iyo Maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin arinta ku saabsan sii daynta labadaasi Lamaane ee u dhashay dalka Jarmalka iyo in lacag madax furasho ah la sii yay Kooxihii afduubka u haystay.

Isku soo wada duuboo Afduubka Maraakiibta iyo dadka Ajaanibta ah ayaa xiliyadii ugu danbeeyay Xeebaha Puntland ka noqday Tusbax afka laga furay, Inkastoo maamulka Puntland uu dadaal ugu jiro sidii uu maareyn lahaa arrimaha Af-duubka Maraakiibta iyo weliba Dadka Ajaaniibta ah.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia