Sabti, August 23, 2008(HOL): Wariyayaashan oo u kala dhashay dalalka Somalia, Canada iyo Australia ayaa waxaa laga qafaashay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Wariyayaashan oo ah kuwo si madax-bannaan u shaqeysta ayaa la sheegay in ay rag hubeysan ka qafaasheen inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Afgooye, iyagoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii ay la aadeen kooxihii qafaashay.
Labada Wariye ee Ajnabiga ah ayaa lagu magacaabaa Amanda, waana Gabar u dhalatay Dalka Canada, halka Ninka Australia u dhashay lagu magacaabo Nigel. Wariyaha kale ee Soomaaliga ah oo Sawir-qaade ahaana waxaa lagu magacaabaa C/fataax Maxamed Cilmi.
Sida ay sheegeen dad la socday dhaqdhaqaaqa Wariyayaashan waxa ay doonayaan Wariyayaashu in ay warbixin ka soo sameeyaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay ku nool yihiin Dad kumaan kun ah oo ka barakacay dagaallada iyo nabadgelyo darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubka wariyayaashan loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay dalka Soomaaliya af-duub loogu geystay dad badan oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo badankood la sheegay in ay howlo samafal ah u tageen Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia