Qaramada Midoobay oo cambaareysay Dad rayid ah oo lagu dilay Dagaalladii Kismaayo ka dhacay

Cabirka Farta

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ka hadlay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Kismaayo, wuxuuna cambaareeyay dil loo geystay dad aan waxba galabsan oo dagaalladaas ku dhintay.

Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid salka ku hayay gacan ku heynta Dekedda Kismaayo oo ah il dhaqaale, wuxuuna meesha ka saaray in dagaalkaas uu siyaasad iyo arrimo kale la xiriiray.

Wuxuu ka murugooday Dajire Ahmedou Ould-Abdallah dad badan oo sidoo kale lagu dilay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo uu xusay in si aan kala sooc lahayn loogu dilay weerarro ka dhacay wadada isku xirta Magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho.

Dhinacyada ay u dhaxeeyaan dagaallada ka socda Soomaaliya ayuu Ould-Abdallah ugu baaqay in ay xurmeeyaan Baaqyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Caalamiga, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay uga dhabeyn lahaayeen Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen.

Ugu dambeyntiina Dajire Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu xusuusiyay dhinacyada Soomaaliya ku dagaallamaya in lagula xisaabtami doono dembiyada ay gelayaan ee ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Caalamiga ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia