Xaaladda Magaalada Kismaayo oo degan

Cabirka Farta

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay maanta degan tahay kadib dagaallo seddex maalmood oo xiriir ah ka socday.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay bilaabeen in ay dib u furtaan goobahooda ganacsiga oo ku xirmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ahaa kuwo xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Marka laga soo tago dadkii dagaalka ku dhintay oo 50 ruux kor u dhaafayay waxaa dagaalladaas ku dhaawacmay dad gaaraya 148 qofood, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, waa sida ay ku warameen dhaqaatiirta Isbitaalkaas ka howlgasha.

Dhanka kalena, Deegaanka Janaay Cabdalla oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaal ku dhexmaray Maleeshiyooyinkii shalay laga saaray Magaalada Kismaayo iyo Xoogaggii Islaamiyiinta ahaa ee la dagaallamay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Maleeshiyooyinkii shalay laga saaray magaalada Kismaayo iyo saraakiishii hoggaamineysay ay u baqooleen dhinaca Gobolka Gedo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia