Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Magaaladaas, iyadoo weerarkaasina uu ku dhintay qof rayid ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda, taasi oo lagu magacaabo Al-Amxaar, waxaana weerarka ku geeriyooday qof rayid ah oo marka weerarka dhacayay ku sugnaa meel aan u dheereyn halka uu weerarka ka dhacay.
Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo ah oo isugu jira weerarro lagu qaado Xarumaha Dowladda iyo fariisimaha Ciidamada, iyadoo sidoo kalena ay jireen dhowr weerar lagu qaaday guryo ay magaalada Baydhabo ka degan yihiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ka sii horna waxaa jiray weerarro lagu qaaday xarunta madaxtooyada iyo garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo weerarkaasina uu ahaa mid loo adeegsaday Madaafiicda Hoobiyaha.
Dhawaan ayay ahayd markii Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay isku raaceen in Ciidamo Boolis ah oo lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ay sugaan Ammaanka Gobolka Bay iyo Gobollada la deriska ah, hayeeshee Ciidamadaas waxaa loo gudbiyay dhinaca Magaalada Muqdisho oo haatan ay ku sugan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia