Khamiis, August 21, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in uu maanta mar kale dagaal ka qarxay duleedyada Magaaladaas.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamo Beeleed gacanta ku haya Magaalada Kismaayo iyo Xoogag taabcasan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxaa kugeeriyooday dad ku dhow 10 ruux, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray.
Dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu yimid iyadoo shalay ay duleedka Magaaladaas ku dagaallameen Xoogagga labada dhinac oo maalmahan waan waan laga dhex waday.
Yaasiin Nuur Gaas oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beesha gacanta ku heysa magaalada Kismaayo ayaa wuxuu Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in ay dhowr jeer magaalada Kismaayo ka soo weerareen Xoogagga Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in ay Ciidamadooda iska caabiyeen.
Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ahaa mid ay Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo filayeen bacdamaa uu shalay dagaal ka dhacay duleedyada Kismaayo, isla markaana ay dadku xiisad colaad dareemayeen.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka taliya maamul iskiis isu maamula, kaasi oo qudhiisa xakameyn waayay Maleeshiyooyin Beeleedyo isbaarooyin dhigta gudaha Magaalada, mararka qaarkoodna xayira howlaha Dekedda Kismaayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia