Khamiis, August 21, 2008(HOL): Waxaa isa soo taraya khasaaraha uu geystay dagaal maanta ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalka oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu geystay dhimashada dad tiradooda ku dhowdahay 10 ruux, kuwaasi oo 6 ka mid ah ay ku sugnaayeen agagaaraha Masjidka Abuu Hureyra, iyadoo tiro intaas ka badanna ay dhaawacyo soo gaareen.
Dhimashada iyo dhaawaca ugu badan ee ka dhacday agagaaraha Masjidka Abuu Hureyra ayaa waxay timid kadib markii uu madfac ku soo dhacay Dad Salaaddii Duhur u weeso-qaadanayay, iyadoo xiliyada Salaadahana uu Masjidkaas yahay mid aad u camiran oo markaasina ay dadka si Jameeco ah u tukadaan.
Waxaa jira khasaare kale oo ay geysteen madaafiic maanta la isugu adeegsaday dagaalkii Magaalada Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo soo gaaray dad rayid ah oo ay guryahooda madaafiic ugu tageen.
Isbitaallada Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna waxaa la gaarsiiyay dad badan oo ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo qabay dhaawacyo rasaaseed iyo kuwo Madaafiic ka dhashay.
Dagaalka Maanta ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmada Wardhiigley oo saacado socday ayaa wuxuu qarxay kadib markii kooxo ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamadaas ku sugan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia