Khamiis, August 21, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta wuxuu haatan ka socdaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaalkan oo ka dhacaya qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Florenza iyo Xaafadda Geed Jaceyl ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalka oo madaafiic xooggan la isugu adeegsanayo ayaa wuxuu geystay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartay, kuwaasi oo ay madaafiicda haleeshay iyagoo guryahooda ku sugan.
Ilaa iyo haatan tiro-koob sax ah lagama hayo khasaaraha uu geystay dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana weli socda madaafiic iyo rasaas ay si aan loo meel dayin isugu ridayaan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo.
Wixii ku soo kordha dagaalkan kala soco Halkan Haddii Alle Idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia