Khamiis, August 21, 2008(HOL): Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdii oo ka mid ah Guddiga Ammaanka ee ay lagu doortay Wada hadalladii Jibouti ayaa wuxuu rajo ka muujiyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga ay ka wada shaqeeyaan ammaanka Soomaaliya.
Jen. Cabdi Qeybdiid oo la hadlayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Guddiyo Amniga qaabilsan oo ay dhinacyada Dowladda iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay u xil-saarteen ammaanka ay ka shaqeyn doonaan sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
“Arrintaas rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa guddiyada labada dhinacna waa ay ballanqaadeen in ay fuliyaan waxyaabihii lagu heshiiyay oo ay ku jirto in xabadda la joojiyo, lagana sii shaqeeyo sidii nabadgelyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa uu sheegay in guddiyada labada dhinac ay ka shaqeyn doonaan sidii Ciidamada looga rari lahaa xaafadaha ay dadka deganaayeen, wuxuuse sheegay in ay taasi ka horeyso in ay guddiyada labada dhinac ka shaqeeyaan jawigii Ciidamada looga rari lahaa xaafadaha ay dadka degan yihiin.
Hadalka uu sii daayay Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo wada hadallo dhawaan ka dhacay Dalka Jibouti oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta lagu magacaabay guddi amniga iyo Siyaasadda ka shaqeyn doona, kuwaasi oo si wadajir ah uga shaqeyn doona siyaasadda iyo ammaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia