Ciidamo Itoobiyaan oo Dad ka badan 40 Ruux ku dilay Deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye

Cabirka Farta

Jimco, August 15, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta gelinkii dambe waxay dad ka badan 40 ruux ku dileen Deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye, iyadoo dadkaasina ay ahaayeen dad rayid ah oo la socday gaari kuwa Dadweynaha ah.

Dadkaas oo ay Ciidamada Itoobiyaanka si bareer ah u toogteen ayaa waxay kala saarnaayeen labo gaari oo kuwa Dadweynaha ah,  waxaana la sheegay in ay dadkaasi rasaasta ku wadeen ilaa ay dhaqdhaqaaq gabaan.

Falka ay Ciidamada Itoobiyaanka ku dhameeyeen dadkaas oo ah mid bani’aadannimada ka baxsan ayaa wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa oo Dad gaari BL ah saaran loo geysto, inkastoo ay jiraan dad lagu duqeeyay guryo ay ku jireen iyo kuwo ay Ciidamada Itoobiyaanka toogteen kadib markii ay soo galeen meelo ay Ciidamada Itoobiyaanka deganaayeen.

Tirada Dadka Rayidka ah ee ay Ciidamada Itoobiyaanka ah dileen24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxay ka badan tahay 50 ruux, waa marka lagu daro 9 ruux oo ay Ciidamada Itoobiyaanka saaka iyo xalay ku kala dileen nawaaxiga Xerada Ciidamadii Asluubta Soomaaliya iyo Wadada Makka Al-Mukarrama.

Dilka bareerka ah ee ay Ciidamada Itoobiyaanka u geysanayaan Dadka Rayidka ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka Ciidamada Itoobiyaanka qaraxyo lagula beegsaday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo maalmo ka hor ahna Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo lagu qaaday in ka badan afar weerar oo dhamaantood waxyaabo qarxa loo adeegsaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia