Qaraxyo iyo dilal ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Jimco, August 15, 2008(HOL): Saaka mar ay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho ka howlgelayeen  Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa Wadadaas ka dhacay labo qarax oo ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamadii Wadadaas kus ugnaa iyo weliba dil ay Ciidamadaas u geysteen afar ruux oo rayid ah.

Labada Qarax oo loo adeegsaday Miinooyinka Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa markii ay dhaceen waxay Ciidamadii wadadaas ka howlgelayay fureen Rasaas sababtay in ay dhinteen labo ruux oo rayid ah oo Wadadaas marayay, halka ay sidoo kale  Ciidamadaas dileen labo ruux oo kale, kuwaasi oo ay ugu galeen guryo ay ka deganaayeen hareeraha Wadada Makka Al-Mukarrama.

Wadada Makka Al-Mukarramaha oo ah Wadad kaliya ee ay isticmaalaan Madaxda iyo Saraakiisha Dowladda Federaalka marka ay dalka ka dhoofayaan ama ay ku soo laabanayaan ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miino, kuwaasi oo marar kala duwan geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dhawaan ayay ahayd markii Qarax Miino oo aad u xoogganaa uu sababay geerida in ka badan 15 haween ah iyo dhaawaca 40 kale oo Haween ah kuwaasi oo ay ku qaraxday miino loogu aasay meel ay howl nadaafadeed ka wadeen.
 
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa ka dhacayay qaraxyo, dilal, iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna falalkaas magaalada ka dhigeen mid aan ammaan ahayn oo inta badan dadkii ku noolaa ay ka barakaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia