Ciidamo Itoobiyaan oo Dad Rayid ah ku dilay agagaarka Xeradii Asluubta

Cabirka Farta

Jimco, August 15, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xerada Ciidamadii Asluubta Soomaaliya  ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay xalay dileen shan ruux oo la sheegay in ay Nin ku soo dhaawacmay Deegaanka Doondheere ee Degmada Afgooye ay u wadeen Isbitaalka Madiina.

Falka  dilka ah ee ay ku kaceen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa si weyn uga xumaaday dadkii maqlay iyo weliba kuwii arkay meydadka dadkaas, iyadoo Banaanbax arrintaas looga soo horjeedana uu ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dad  ka qeybgelayay banaanbaxa ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, iyagoo mararka qaarkoodna ku luuqeynayay heesihii gubaabada  ahaa ee la qaaday intii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray sanadkii 1977-kii.

Meydadka Dadkaas Rayid ah ee ay dileen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa saaka loo qaaday dhinaca Degmada Afgooye oo ay markoodii hore ka yimaadeen, iyadoo ay qaadeen dad ehello la ah oo lagu wargeliyay dilka loo geystay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay dad rayid ah ku dilaan magaalada Muqdisho, waxaana jiray dad badan oo ay ku dileen Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Soomaaliya soo galeen  dabayaaqadii sanadkii 2006.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia