Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Wafdi u dirtay Wada Hadallada Jibouti

Cabirka Farta

Jimco, August 15, 2008(HOL): Wafdigan oo saaka ka amba baxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.

Wafdigan uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa waxay dalka Jibouti u aadeen sii amba qaadidda wada hadallo u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo 9-kii June 2008 heshiis hordhac ah ku gaaray dalka Jibouti.

Maalinta berri ah oo Sabti ah ayay Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta waxay shirar uga bilaabanayaan Dalka Jibouti, iyadoo guddiyadaasna ay ka wada hadli doonaan arrimo ku saabsan Siyaasadda, Ammaanka, Cadaaladda iyo Dib u heshiisiinta, iyadoo ay goob-joog ka noqon doonaan Diblumaasiyiin ka socda Beesha Caalamka iyo weliba Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah.

Shirarka ay leeyihiin Guddiga ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa marka ay soo idlaadaan waxay madaxda labada dhinac mar kale si rasmi ah dalka Sacuudiga ugu saxiixi doonaan Heshiiskii ay 9-kii June 2008 ay ku gaareen Magaalada Djibouti.

Wada hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa si weyn uga war dhowraya dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badan dadkii ka barakacay dagaallada iyo nabadgelyo-darrada ka jira Magaalada Muqdisho oo muddo labo sano ku dhow uu ammaankeedu yahay  mid aan la isku haleyn karin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia