Jimco, April 04, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa waxay dib ugu noqdeen Degmada Marka ee Caasimadda u ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadan oo horay uga baxay Degmada Marka ayaa waxay fariisin ka sameysteen Deegaanka Ceel Jaalle, iyagoo aanan gudaha u gelin magaalada Marka sidii ay sameeyeen 24-kii bishii hore oo ay Degmadaas tageen.
Lama oga ujeedada ka dambeysa dib u soo noqoshada Ciidamada Itoobiyaanka ah oo ay aad uga wel welsan yihiin Dadka ku dhaqan Degmada Marka oo ay u tahay markii ugu horeysay oo ay soo dul-degaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Sidoo kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay dib ugu noqdeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay horay uga baxeen kadib markii ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Degmadaas, kuwaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan adkeynta ammaanka Gobolka.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee dib ugu noqday Degmooyinka Qoryooley iyo Marka ayaa waxay horay u tageen Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Baraawe iyo Kuntu-waarrey.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah ay gudaha u galaan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka gudaha u galeen Dalka Soomaaliya, waxaana haatan la is-weydiinayaa waxa keenay in ay Ciidamada Itoobiyaanka u dhaqaaqaan dhinaca Gobolka Shabeelaha Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia