Jimco, April 04, 2008(HOL): Waxaa shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho Xisbiyo la magac baxay Xisbiyada is-bedel-doonka Soomaaliyeed, kuwaasi oo shirkooda uga hadlay xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya iyo weliba dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Guddoomiyaha Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed-Cali Maxamed Nuux (Tima-Jilic)
Xisbiyadan oo kala ah Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed, Xisbiga Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed, Xisbiga Isku-xirka Siyaasadda iyo Xisbiga Nabadda iyo Siyaasadda ayaa waxay shirkooda dood iyo falanqeyn kadib waxay ka soo saareen seddex qodob oo kala ah:
In Dowladda Federaalka oo gacan ka heleysa Itoobiya iyo Itoobiya oo gacan ka heleysa Mareykanka ay seddexduba ku fashilmeen Arrimaha Soomaaliya, In Shacbka ay ka digtoonaadaan in qabiil qabiil la isaga hor-keeno iyo In Dib u heshiisiinta ay Qaramada Midoobay waddo aysan ku socon waddo sax ah, ayna ku hungoobi doonto haddii Mareykanka iyo Itoobiya aysan faraha kala bixin arrimaha Soomaaliya.
Shirka ay isugu yimaadeen Xisbiyadan waxaa shir guddoominayay Guddoonka Midowga Xisbiyada Is-bedel-doonka Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Tima-jilic,
Xisbiyadan Is-bedel-doonka ah oo haatan ah Xisbiyada kaliya ee ka jira Dalka Soomaaliya ayaa mar kasta waxay ka hadlaan Xaaladda uu ku sugan yahay Dalka Soomaaliya iyo weliba dhibaatooyinka ay xiligan qabaan Dadka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia