Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay lagu weeraray Bartamaha Beledweyne

Jimco, April 04, 2008(HOL): Weerarka lagu qaaday Ciidamada Itoobiya oo loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa ku soo beegmay xilli Ciidamadu ay marayeen Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Beledweyne iyaga oo ku soo jeeday Xarunta Maamulka Gobalka iyo Saldhigga Baliiska oo ay xiliyada habeenkii ilaalo ka qabtaan.
 
Qaraxa kadib ayaa waxaa bilaawday Rasaas culus oo ay ridayeen Ciidamada Itoobiya ee weerarka lagu qaaday, waxaana markiiba Albaabada laysugu dhuftay dhamaan goobihii ganacsiga Magaalada si dadku uga fogaado wax yeelo ka soo gaarta Rasaasta ay ridayeen Ciidamada Itoobiyaanku.
 
Inta la og-yahay qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerarka xalay lagu qaaday Ciidamada oo markii danbe si Nabad ah ku gaaray goobihii ay ku soo jeedeen ee Xarumaha Dowlada iyo Guriga oo ka degan yahay Magaalada Beledweyne Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo maalmihii aynu soo dhaafnayba siweyn ula socday dagaalada ka socda qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa weerarkii xalay lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo Nabad-galyada, madaama dagaal dhaxmara Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda la og-yahay baaxada qasaaraha ka dhalan kara.
 
Dhinaca kale waxaa wali ku sugan Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan kuwaa oo maalintii shalay dib ugu laabtay Degmada kadib markii ay maqleen warar ku saabsan in ay soo galeen kooxaha ku kacsan Siyaasada Dowladda Federaalka oo Isniintii ina dhaaftay mar xoog kula wareegay Gacan ku heynta Degmada Buula-burte.
 
Lama oga ilaa hada in Ciidamada Itoobiya ee jooga Degamada Buula-burte u talaabi doonaan dhinaca Degmada Jalalaqsi oo wararka ka soo baxaya sheegayaan in ay ku sugan yihiin kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka madaama Degmadu aysan laheyn awood maamul oo rasmi ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia