Jimco, April 04, 2008(HOL): Booyad biyo u siday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Warshaddii baastada iyo Warshadda Xeyla-bariise ayaa waxaa lagu weeraray qarax Bambaano, iyadoo qaraxaasina uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaasi oo ka dhashay Bambada gacanta laga tuuro ayaa wuxuu sababay in ay dhintaan 2 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saarnaa Booyadda biyaha u siday Ciidamada Itoobiyaanka, halka ay sidoo kale dhaawacmeen shan ruux oo isugu jiray darawalkii Booyadda kaxeynayay iyo Afar Ruux oo rayid ah oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Dadka qaraxaas ku dhaawacmay oo labo ka mid ah ay aad u darnaayeen ayaa waxaa dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan dhaawacooda lagu dabiibayo.
Booyadda qaraxa lala beegsaday oo ahayd mid aaney Ciidamada Itoobiyaanka lahayn, isla markaana ay kaxeynayeen Ciidamo Soomaali ah ayaa waxay ahayd middii labaad oo qarax lagula beegsado inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax iyo Warshadda Baastada.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Soomaaliya waxaa soo badanayay qaraxyo lala beegsado Gaadiidka ay la socdaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya iyo weliba mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia