Axad, April 20, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka aroortii waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa wuxuu bilowday kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku lahaa Warshaddii Baastada ay isku fidiyeen Wadada isku xirta Warshadda Baastada ilaa nawaaxiga Isbitaalka SOS, kadibna ay Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya ay dagaal ku qaadeen.
Khasaaraha uu geystay ayaa ilaa iyo haatan waxaa uu gaarayaa dhimashada 5 ruux oo Rayid ah iyo dhaawac 14 ruux gaaraya, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay ku dhaceen madaafiic ay tuureen Ciidamada Itoobiya.
Dagaalka oo ay ka qeybqaateen Taangiyo ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la isugu adeegsaday hub culus, waxaana khasaaraha uu geystay uu gaarayaa dhimashada 5 Ruux oo Rayid ah iyo Dhaawaca 14 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Dad Rayid ah oo ay ku dhaceen madaafiic ay tuureen Ciidamada Itoobiya.
Dagaalkan ayaa wuxuu la xiriiraa dagaal shalay isla xaafadahaas ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkaasina uu sababay dhimasho 20 ruux ka badan iyo dhaawac 40 ruux gaaraya, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho.
Wararku waxay intaas ku darayaan in uu jiro barakac ballaaran oo ay sameynayaan Dad Rayid ah oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, kuwaasi oo ka cararaya in ay waxyeello ka soo gaarto madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac isku ridyaan.
Dagaalka ka socda Xaafadaha ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo bil ka badan aysan wax dagaallo ah ka dhicin Degmooyinkaas sabab la xiriirta iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha ay halkaas isaga guureen, isla markaana ay ku biireen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia