Xaafad ay Dad Soomaali ah ku nool yihiin oo ku taala Magaalada Cape Town ee Koofur Afrika oo dab la qabadsiiyay

Cabirka Farta


Axad, April 20, 2008(HOL): Dabka ayaa ka bilowday guryo ay daganaayeen dhalinyaro Soomaali ah goor subax hore ah oo ay wada hurdayeen.

Dabka ayaa qabsaday qolalka ay jiifeen dhalinyaradaas kaasoo sababay in uu ku geeriyoodo Wiil Dhalinyaro ah oo 22 jir ah, laguna magaacaabi jiray Cali Axmed Maxamuud oo ka mid ahaa dhalinyarada sida tahriibka ah ku soo galay Wadankan oo aan xitaa wali qaadan warqadda aqoonsiga qaxootinimo.

Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Shaqaalaha Dab-damiska iyo Ciidamada Booliska oo iyagu daganaa meel u jirta ilaa 200 oo tallaabo goobta uu dabku ka dhacay.

Waxaa kaloo dhaawacyo fufud ay kasoo gaareen laba wiil oo kale oo isla markiiba ay ambalaas halkaasi ka qaaday lama garanayo sababta keentay dabkaan hase ahaatee booliska ayaa sheegay in ay baarayaan sababta uu dabkaasi u biloowday, iyadoo boolisku diiday in la galo goobta uu dadbku ka dhacay ilaa ay ka dhameeystirayaan baaritaanka.



Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa