Axad, April 20, 2008(HOL): Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee xarunta u ah Gobollada Banaadir iyo Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dilal loo geystay Dad rayid ah iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhacdada ugu horeysa oo ay ku dhinteen Dad rayid ah iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa waxay ka dhacday Deegaanka Macmacaanka ee Degmada Dharkeenley, waxaana halkaas ku dhintay afar ruux oo isugu jiray Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Dad Rayid ah.
Ciidamada Dowladda ayaa waxay u geeriyoodeen dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyo loo adeegsaday Bambo gacmeedyo lagu tuuray, halka Dadka Rayidka ahna ay ku dhinteen Rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamada Dowladda oo la sheegay in markii qaraxa lala beegsanayay ay howlgallo ka sameynayeen Deegaanka Macmacaanka ee Degmada Dharkeenley.
Dhacdo kale oo ka dhacday Degmada Yaaqshiid ayaa waxay ahayd Bambo gacmeed lagu tuuray guriga Taliyaha Rugta Ciidamada Booliska Suuq Bacaad Cali Raage Fiidow, wuxuuna qarax ka dhacay weerarkaas Bambaano uu sababay dhaawaca shan ruux oo isugu jiray Xaaska Taliyaha iyo Afar Caruur ah oo uu dhalay iyo Wiil uu Abti u ahaa oo gurigiisa joogay, inkastoo la soo sheegayo in mid ka mid CaruurtaTaliyaha ee dhaawacantay uu geeriyooday.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay-na waxay sheegayaan in xalay magaaladaas lagu dilay Nin ka tirsanaan jiray Ilaalada Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federaalka, haatanna ka mid ahaa maleeshiyooyinka ku sugan magaalada Baydhabo, waxaana toogtay ninkaas rag bastoolado ku hubeysan oo baxsaday kadib markii ay dilkaas geysteen.
Waxaa dhawaanahan ku soo badanayay Magaalada Baydhabo falal nabadgelyo darro ah, waxaana horay loogu dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena ay ka dhaceen qaraxyo loo geystay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxay weli xarun KMG ah u tahay Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku yaala Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, walow ay inta badan mas'uuliyiintaas ku shaqeeyaan xafiisyadooda ku yaala Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa is-weydiinayaan sababta ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ugu filnaa la' yihiin sugidda ammaanka magaalada, waxaana qaarkood laga hayaa iyagoo leh "Baydhabo Habeenkiina Qaarijis, maalintii Maamul Dowladeed".
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia