Axad, April 20, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la hadlayay Soomaalida Qurbo-joogta ah ee Waqooyiga Ameerika oo isugu yimid Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in ishaaradiisa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay heshiinayaan, isagoo sheegay in dagaal laga soo daalay, cid kastana ay garaneyso in dagaal iyo awood la isku muquuniyo aan waxba lagu gaareynin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya- C/llaahi Yuusuf Axmed
“Wax walba haddii la yiraahdo ha lagu raadiyo muruq-tuujin iyo xabad, hadde siyaasadda iyo caqliga wanaagsan sidaas kuma imaanayaan, xoogna waxaa lagu muquuniyaa wixii kaa dhamaanaya”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in haatan arrintu ay mareyso in ay wada hadallo furmaan.
“Bisha May wada hadallo ayaa bilaabanaya, Dowladda iyo Mucaaradka u dhaxeeya, wada hadalladaas kuwooda ugu horeeyo waxaa ay ka dhacayaan Dalka Jabuuti 10-ka ilaa 15-ka May, wada hadallada wejigooda labaadna waxay ka dhici doonaan Dalka Sacuudiga, wada hadalladaas aniga ishaaradeyda Dowladda iyo inta badan Mucaaradka waa ay ku heshiin doonaan, wixii soo hara oo loo taag-waayo haddii aad naga yeeleysaan xaggiina ayaan u soo direynaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii uu intaas yiri ay aad ugu sacab tumeen dadkii uu la hadlayay.
Halkan ka dhegeyso Hadalka Madaxweynaha-BBC Somali Section
Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in loo baahan yahay sidii Soomaaliya Nabad iyo Nidaam Federaal ah loo gaarsiin lahaa, wuxuuse ka digay in dalka Soomaaliya la kala goo-gooyo, “Kow waa in uu dalka xasilaa, si uu ku xasilana waa in Dalka Amni loo sameeyaa, Amni la’aan Dowlad dhismi karta oo jiri karta oo guul dhalin karta miyaa jirta?, maya weeye, raggii howshaas ku shaqo lahaan jiray waa yaqaaniin, taasi waa socon jirtay, hadana waa socotaa’ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi oo ka sii hadlay arrinta federaalka “Nidaamka la qaadanayo waa mid Federaal ah, Soomaaliya waxay u qeybsamayaan Dowlad Goboleedyo (Regional States), qaarkeen waan go’eynaa bey leeyihiin, laakin waxay ila tahay in aynaan yeeleynin, ma yeeleynaa, maya weeye, haddaan taa yeelno, inteena kale tusbax go’ay baan noqoneynaa”ayuuna yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya la gaarsiiyo hannaan doorasho iyo dowlad bedesha dowlad hadda jirta.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay Qurbo-joogta Soomaaliyeed in ay qudhooda heshiiyaan, wuxuuna sheegay in marka uu dibadaha booqanayo ay qaar ka mid ah isaga ku mudaharaadaan, qaar kalena ay dhigaan mudaharaadyo ay ku soo dhaweynayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia