Sabti, April 19, 2008(HOL): Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Dagaal maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Dagaalkan oo socday muddo saacado ah ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay dhimashada dad 10 ruux ka badan, kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo weliba Dad rayid ah oo ay ku dul habsadeen madaafiicdii ay dhinacyada dagaallamaya isku ridayeen, halka uu sidoo kalena dagaalka geystay dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo bur bur hantiyeed.
Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxaa ku jira 6 Ruux oo ku sugnaa Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid, kuwaasi oo uu ku dul-dhacay Madfac habow oo ka yimid goobihii ay dagaallada ka dhacayeen ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxayna dadkaas isugu jireen kuwo Maqaaxi ka cunteynayay iyo Caruurta Kabaha caseeya oo Maqaayadda iridkeeda joogay.
Sidoo kalena Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan nawaaxiga Isbitaalkii Carafaat ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxay sheegeen in ay arkeen meydadka ilaa afar Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ku geeriyooday dagaal xooggan oo inta u dhaxeysa Isbitaalkii Carafaat iyo Qabuurihii Barakaat ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dad kale oo Rayid ah ayaa la sheegay in uu dagaalkii maanta waxyeello ku gaarsiiyay Xaafadaha Gubta iyo Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile, kuwaasi oo u badnaa kuwo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo Rasaas habow ah.
Dagaalkii maanta ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile ayaa wuxuu ahaa mid xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna ku soo beegmay iyadoo goobaha uu maanta ka dhacay ay muddo bil ah xasiloonaayeen.
Ugu dambeyntiina, waxaa haatan xasiloon goobihii ay maanta dagaallada culus ka dhaceen, mana jiro wax dagaal ah oo u dhaxeeya dhinacyadii dagaallamayay, waxayna xasiloonidaas timid kadib markii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa dib ugu noqdeen fariisimadii ay saaka ka soo baxeen ee Warshaddii Baastada iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia