Ganacsatado iyo Culumaa’udiin Magaalada Muqdisho ku sugan oo ka wada hadlay sidii loo qaadan lahaa lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga

Cabirka Farta

Sabti, April 19, 2008(HOL): Shir looga hadlayay xiisadda beryahan ka taagneyd diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga ayaa maanta waxaa isugu yimid Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dawada ayaa waxay ganacsatada iyo Culumaa’udiinkuba ku soo bandhigeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in la qaato lacagta duugowday ee Kunka Shilin bacdamaa aysan jirin wax ay shacabka Soomaaliyeed ku bedelanayaan.

Mid ka mid ah Culumaa’u diinkii Shirka ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in diidamada lacagta Shilin Soomaaliga aysan hadda soo bilaaban, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ka soo bilaabatayy 50-kii Shilin ilaa maanta oo la diidayo Kunka Shilin, wuxuuna caddeeyay in Kunka oo la diido ay macnaheedu tahay in ay dadka baaba’aan.

“Waxaa ayaan darro ah in ay shirkan ka maqnaadaan ganacsatadii lahaa Bakhaarrada Raashinka, isla markaana ay hadlaan Ganacsatadii yar yareyd, waxayna taasi caddeyneysaa in ay ganacsatada waa weyn Bulshada caqabad ku yihiin”ayuu yiri Shiikh Maxamed Balli ka mid ah Culumaa’udiinkii hadlay, wuxuuna intaas ku sii daray in ganacsadihii diida lacagta duugowday ee Kunka Shilin tallaabo laga qaadi doono, isagoo caddeeyay la magacaabay guddi kormeera sida ay ganacsatada u fulinayaan go’aanka soo baxay.

Intii uu socday shirkan ayaa qaar ka mid ah Sariflayaasha Suuqa Bakaaraha waxay ballanqaadeen in ay qaadan doonaan lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga, waxayna caddeeyeen in ay isla maantaba bilaabayaan qaadashada lacagta duugowday ee Kunka Shilin.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia