Sabti, April 19, 2008(HOL): Kooxo hubeysan oo xalay gudaha u galay Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Saldhigga Baliiska Magaalada Beledweyne ayaa qaatay wixii Agab ahaa ee yiilay gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo laga qaatay dhamaan qalabkii uu ku shaqeynayay Maamulka.
Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa ka mid ah goobaha xalay kooxaha hubeysan gudaha u galeen, waxaana marka laga soo tago Bililiqada loo geystay Xafiiska Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Sidoo kale dab la qabsiiyay qaar ka mid ah Feelashii uu ku shaqeynayay Maamulka.
Ilaa hadda dhab ahaan lama oga garabka ay ka tirsan yihiin Kooxaha hubeysan ee xalay gudaha u galay Xarumaha Maamulka, Inkastoo qeybo ka mid ah Magaalada Xalay lagu arkayay Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga oo ilaalo ka haya maadama ay meesha ka baxeen Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan.
Waxgaradka iyo Odayaasha Magaalada oo qaarkood meel fagaaro ah kala hadlayay dadka ayaa sheegay in halis badani ka jirto Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan, waxaana ay farta ku fiiqeen waxgaradku kooxaha hubeysan ee ku soo badanaya Magaalada kuwaa laga yaabo in ay gastaan falal ka dhan ah Nabad-galyada.
"haddii aan la daba qaban Maamul la'aanta jirta, xaaladuna sidan iska sii ahaato waxaa dhab ah in dharaar cad laysku dhax dili doono Magaalada sidaana waxaa yiri Mid ka mid ah Odayasha dhaqanka oo dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay Bililiqada socota.
Tan iyo markii ay isaga baxeen Magaalada mas'uuliyiintii ugu sareysay Maamulka Gobalka Hiiraan qaarkoodna iska casileen xilalkii ay hayeen waxaa ka taagnaa Gobalka Hiiraan Jaha wareer siyaasadeed oo ku wajahan cidda dhab ahaan gacanta ku heysa Maamulka Gobolka, iyadoo marka uu gabalku dhaco gudaha Magaalada Beledweyne aad ku arkeyso kooxo hubeysan oo qaarkood ilaalo ka haya Magaalada halka kuwo kalana ay dhacayaan dadka shacabka ah.
Falkii ugu dambeeyay ee astaanta u ah Nabad-galo darrida ka jirta Magaalada ayaa waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Beledweyne wiil dhalinyaro ah xili uu ku sii jeedayay Gurigiisa kadib markii ay ku amreen in uu iska soo wareejiyo Mobile uu watay hase ahaatee uu u sheegay kooxaha hubeysan in uusan wadan wax Mobile.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kooxo hubeysan oo xalay bililiqeystay Sadhigga Baliiska iyo xaruntii Maamulka Gobalka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Khasaaraha uu geystay Dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Dagaal maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Magaalada Muqdisho
- Ganacsatado iyo Culumaa’udiin Magaalada Muqdisho ku sugan oo ka wada hadlay sidii loo qaadan lahaa lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga