Sabti, April 19, 2008(HOL): Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu bilowady kadib markii saaka Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ku lahaa Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xarunta Warshaddii Baastada ay isku ballaariyeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha iyo Wadada Suuqa Xoolaha.
Dagaalka ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka SOS iyo EX-Koontaroolka Balcad oo ka tirsan Degmada Huriwaa iyo Agagaarka Isbitaalkii Carafaat ilaa Qabuuraha Barakaat oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana halkaas ku dagaalamay Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameynayay iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.
Lama oga ilaa iyo haatan Khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo meelaha ay dagaallada ka dhacayaan ay yihiin xaafado ay dadkii deganaa horay uga barkaceen.
Deegaannada ay saaka dagaallada ka dhaceen ayaa waxay ahaayeen maalmihii aynu ka soo gudubnay kuwo degan, waxaana jiray dad yar oo bilaabayay in ay dib guryahooda dib ugu soo noqdaan, kuwaasi oo qaarkood ay saaka danta ku kaliftay in ay dib ugu noqdaan meelihii ay ka soo laabteen.
Dagaalka labada dhinac dhexmaray oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo dhawaanahan ka nastay dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda.
Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen magaalada Muqdisho waxaa uu ahaa mid ay ka dhacayeen dagaallo looga soo horjeedo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, wuxuuna dagaalka maanta dhacay ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Ciidamado ku sugnaa Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha ay halkaas isaga soo guureen kadib dagaal ay la galeen kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha dagaalka kala soco Hiiraan Online haddii Alle Idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia