Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley

Cabirka Farta
Jimco, April 18, 2008(HOL):  Dagaal xooggan  oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa galabta waxaa uu ka dhacay Isgoyska Florenza  iyo Xaafadda Xarar-yaalle ee Degmada Wardhiigley.
 
Dagaalkan  oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana socday muddo saacad ka badan  ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu geystay dhimashada nin rayid ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Kheyr, kaasi oo Maqaaxi ku lahaa agagaarka Suuqa Xarar-yaale, sidoo kalena waxaa uu dagaalkan geystay dhaawaca Seddex ruux oo kale oo rayid ah. Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha dhinacyadii dagaalamay soo gaaray.
 
Intii uu dagaalka socday ayaa  waxaa ku soo biiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh nawaaxiga Maxkamaddii Xarar-yaalle iyo Hotelkii Haad-fuul, waxayna taasi keenay in ay gebi ahaanba istaagaan isu socodkii Dadkii iyo Gaadiidkii isticmaali jiray Wadada Wadnaha,  kuwaasi oo ay socodkooda hakad geliyeen rasaasta aan loo meel dayin ee ay labada dhinac isku ridayaan.
 
Isgoyska Florenza ayaa ah meesha kaliya ee ay Ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin Wadada Wadnaha, iyadoo Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladana ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo gaar ah oo ka amar qaata Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
 
Dadka degan nawaaxiga Isgoyska Florenza ayaa waxay qaati ka joogaan iska hor-imaadyada had iyo jeer Isgoyskaas iyo nawaaxigiisa ku dhexmara CiIdamada Dowladda iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay qoysas badan oo halkaas horay u deganaa ay guryahoodii ka barakaceen.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada haatan ku sugan Isgoyska Florenza ayaa waxay yihiin kuwo cusub oo laga soo bedelay Xaruntii Villa Baydhabo ee Degmada Wadajir, kadib markii ay halkaas ka geysteen falal dhac ah, iyadoo Ciidamo kuwan ka horeeyay oo ku sugnaa Isgoyska Florenza  ay ahaayeen kuwo aan la weerari jirin oo uu is-faham ka dhaxeeyay dadka deegaanka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia