Jimco, April 18, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta lagu weeraray Seddex Goobood oo Muqdisho ku yaala, iyadoo Ciidamadaas oo qaarkood ay lugeynayeen-na qaraxyo lala beegsaday.
Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay saaka qaraxyo ku weerareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo mararayay Nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad, Raadeerka iyo Isgoyska Towfiiq, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas soo gaartay khasaare dhimasho dhaawac isugu jirta oo gaareysa 20 Askari.
"Ciidamada Itoobiyaanka sidii loo qarxinayay beryahan waxay bilaabeen in ay lugeeyaan, annaga waan la bedelnay farsamada ay isticmaalayaan waxaana qaraxyo u geysannay iyagoo lugeynaya"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay sii wiiqmeyso awooddoodii, isla markaana ay yareeyeen dhaqdhaqaaqyadii ay ka wadeen gudaha Magaalada Muqdisho, taasina wuxuu sheegay in ay keentay weerarrada ay Ciidamadooda ku qaadaan.
Shalay ayay ahayd markii Booyad Biyo u waday lagu weeraray nawaaxiga Shirkadda Coca Cola ee Wadada Warshadaha, isla markaana waxyeello loo geystay Ciidamadii Booyaddaas galbinayay, kuwaasi oo ku sii jeeday Warshaddii hore ee Baasatada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Ciidamo Itoobiyaan ah oo seddex goobood oo Muqdisho ku yaala qaraxyo lagula wareeray
Cabirka Farta
More News
- Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley
- Iska hor-imaad Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Degmada Afgooye
- Wadaad Imaam ka ahaa mid ka mid ah Masjidyada Baydhabo oo xalay la dhaawacay
- Hubkii Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay la wareegeen Saraakiisha Itoobiya ee joogta Degmada Feer-feer.