Jimco, April 18, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay gudaha Magaaladaas lagu dhaawacay Wadaad Imaam ka ahaa mid ka mid ah Masjidyada Baydhabo.
Wadaadka la dhaawacay oo lagu magacaabo C/llaahi Garweyne ayaa waxaa dhaawacay Kooxo Bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay rasaasta ugu fureen Wadaadkaas.
Dhaawaca C/llaahi Garweyne oo Imaam ka ahaa Masjid ku yaala Suuqa Bacadlaha Magaalada Baydhabo ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo xalay la dhigay, waxaana la sheegayaa in uu ka dhaawacan yahay qeybta hore ee jirkiisa.
Waxaa dhawaanahan ku soo badanayay Magaalada Baydhabo falal nabadgelyo darro ah, waxaana horay loogu dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena ay ka dhaceen qaraxyo loo geystay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxay weli xarun KMG ah u tahay Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku yaala Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, walow ay inta badan mas'uuliyiintaas ku shaqeeyaan xafiisyadooda ku yaala Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa is-weydiinayaan sababta ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ugu filnaa la' yihiin sugidda ammaanka magaalada, waxaana qaarkood laga hayaa iyagoo leh "Baydhabo Habeenkiina Qaarijis, maalintii Maamul Dowladeed".
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Wadaad Imaam ka ahaa mid ka mid ah Masjidyada Baydhabo oo xalay la dhaawacay
Cabirka Farta
More News
- Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo seddex goobood oo Muqdisho ku yaala qaraxyo lagula wareeray
- Iska hor-imaad Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Degmada Afgooye
- Hubkii Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay la wareegeen Saraakiisha Itoobiya ee joogta Degmada Feer-feer.