Hubkii Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay la wareegeen Saraakiisha Itoobiya ee joogta Degmada Feer-feer.

Cabirka Farta
Jimco, April 18, 2008(HOL) - Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida ayaa dhamaan la wareegay hubkii Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan kadib markii dhawaan qaar ka mid ah Ciidamada Maamulku la baxsadeen mid ka mid ah Gadiidka Dagaalka oo sida warar soo baxaya sheegayaan isku dhiibay Xoogaga Maxkamadaha.
 
Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa ku wargaliyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed in uu ku soo wareejiyo Mas'uuliyada dhamaan hubka ay sitaan Ciidamada, waxaana warku intaa ku darayaa in kaliya loo dhaafay Ciidamada hubka fudud ee gacanta lagu qaato kuwaa oo laftirkooda Ciidamada Itoobiyaaku sheeda kala socdaan.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa wada qorshe uu doonayo in uu mar kale dib ugu soo laabto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Maalmihii aynu  soo dhaafnay kulamo u socdeen Saraakiisha Itoobiya iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan, inkastoo hadana aan la ogoyn wax kulamadaasi laysku afgartay.
 
Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne C/raxmaan Cilmi Cabdi Buriki ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo in ay soo baxaan Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka oo xiligan ku dhawaaqaya in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Maamulka.
 
" Markii horeba ma'jirin xil laga hayay Gobalka, waxaana awood sii heyn doono kuwa xumaata ka soo horjeeda ee sababay in ay isaga baxaan Gobalka shaqsiyaadkii Mas'uuliyada sheeganayay ayuu yiri Buriki oo dhanka kale sheegay in Gobalka Hiiraan markii horeba uusan ka jirin xitaa wax Maamul u eg.
 
Hadalka ka soo yeeray Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Beledweyne C/raxmaan Buriki ayaa su'aalo badan ku dhaliyay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne kuwaa oo qaarkood ku tilmaamay in Gudoomiye ku-xigeenku ka tanaasulay xilkii uu ka yahay Degmada Beledweyne.
 
Dhinaca kale wararka laga helayo Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanku galinkii danbe ee maalintii shalay howl-gal ay ka sameeyeen gudaha Degmada ku soo xir xireen ilaa dhowr iyo toban dhalin-yaro ah kuwaa oo sida lagu eedeeyay ka waday gudaha Degmada falal ka dhan ah Nabad-galyada.
 
Qaar ka mid ah dhalin-yarada la qab-qabtay ayeey markii danbe iska sii daayeen Ciidamada Itoobiya, walow hadana jiraan kuwo wali ku sii harsan gacanta Ciidamada,  waxaana warku intaa ku darayaa Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ka dhigtay halka lagu magacaabo Bardaha maalintii shalay in ay xayireen dhamaan isku socdkii Gadiidka Gobalada dhexe.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia