Arbaco, April 16, 2008(HOL): Waxaa maanta shir ku yeelanaya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York Golayaasha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo shirkooda iskula soo qaadaaya arrimo ku saabsan xaaladda dalalka ay mushkiladaha ka jiraan ee ku yaala Qaaradda Afrika.
Shirkan ay isugu imaanayaan labada Gole ayaa waxaa sidoo kale lagu mideynayaa aragtida labada gole ee ku aadan wax ka qabashada mushkiladda ka taagan Qaaradda Afrika.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa shir uga qeybgelaya 15-ka xubnood ee Golahaas, halka Golaha Ammaanka Midowga Afrika-na ay shirka uga qeybgelayaan xubnaha golahaas, waxaana xusid mudan tahay in bishan ay guddoonka wareegga ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay leedahay Dowladda Koofur Afrika.
Shir kale oo ay xarunta Qaramada Midoobay maalinta berri ah ku yeelanayaan Qaramada Midoobay iyo Madax ka socota Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Koofur Afrika Thabo Mbeki, iyadoo uu shirkaasina ka qeybgelayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isaga iyo madaxweynayaasha Dalalka Suudaan iyo Chad si gaar ah loogu casuumay ka qeybgalka shirkaas oo loo hadli doono dhibaatooyinka ka taagan Dalalka SOomaaliya, Suudaan, Chad iyo kuwo kale oo Qaaradda ku yaala.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo BBCda la hadlayay ayaa wuxuu sheegay in uu shirkaas ka jeedin doono warbixin ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya, sidoo kalena uu codsan doono in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya, in tababarro la siiyo Ciidamada Dowladda iyo in Dowladda Federaalka laga caawiyo hub ka dhigista iyo Dhaqan-celinta iyo weliba in la caawiyo dadka ay abaaraha saameeyeen.
Shirkan ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dalal badan oo ku yaala Qaaradda Afrika ay ka taagan yihiin mushkilado salka ku haya hoggaanka Dalka.
Shirkan kadib ayaa waxaa dabayaaqada bisha June iyo horraanta bisha July dalalka ay mushkiladaha ka jiraan ee Afrika booqsho ku tegi doona wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay, iyaodo wafdigaasina ay booqan doonaan dalka Soomaaliya, walow aan la ogeyn halka ay rasmi ahaan ka booqan doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia