Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Dib u heshiisiinta ay gelayaan Dowladda iyo Mucaaradka aaney meel ka sooo geli doonin sidii ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga bixi lahaayeen

Cabirka Farta

Arbaco, April 16, 2008(HOL): Isagoo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf in dib u heshiisiinta ay Qaramada Midoobay ka dhex waddo Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda aan lagu soo qaadi doonin in Ciidamada Itoobiya laga saaro dalka Soomaaliya.
 
“Ciidamada Itoobiya Nimankan iyaga ayaa u yeeray oo Dagaal ka deyn waayay Itoobiya, sidoo kalena Dagaal ka deyn waayay Dowladda Federaalka, iskamana imaane Dowladda ayaa u yeeratay Ciidamada Itoobiyaanka, mana baxayaan ilaa laga kaaftoomo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo dib u heshiisiinta haatan socota ee uu wado Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo waxa uu ka ogyahay ayaa wuxuu sheegay in uu la socdo Dib u heshiisiintaas, isla markaana ay Dowladda oo dhan la socoto, “Dib u heshiisiinta waa mid dastuuri ah, mana ahan wax ay qof kaliya wadi karto”ayuuna yiri Madaxwynaha.
 

Mar la weydiiyay Madaxweynaha  su’aal ku saabsaneyd sida uu u arkayo haddii ay Mucaaradka Dowladdiisa yiraahdaan miiska wada hadalka hala soo saaro, isla markaana ha laga wada hadlo in wax laga bedelo dowladda iyo Axdiga u degsan waxaa uu sheegay in ay lagama hadlaan yihiin waqtiga dowladda iyo weliba wax ka bedelka Axdiga u degsan, “Dowladda dib u heshiisiin ayay ku timid, waxaana lagu soo dhisay awood qeybsi ku dhisan afar beelood iyo bar 4.5, cid kastana waa ku jirtaa, marka ciddii dooneysa in ay dowladda soo gasho beesheeda waa ku imaan kartaa, laakin marnaba Dowladda soo geli-mayaan Dad argagixiso ah”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in aaney mucaaradka dowladdiisa oo uu ku tilmaamay kuwo tiro-yar aaney xaq u lahayn in ay ka hadlaan jagooyinka dowladda.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la weydiiyay in uu nabad dhaafsiisanayo jagada madaxweynenimada ee uu hayo, waxaa uu sheegay in madaxweynenimadiisa iyo weliba kuwa ay hayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha ay yihiin kuwo doorasho ku yimid, wuxuuna si cad u sheegay in aaney arrintaas ahayn mid dhaceysa.

Ugu dambeyntiina, Madxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa wax laga weydiiyay waxa uu u tegay New York, wuxuuna sheegay in uu ka qeybgalayo Shir ay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ay ku yeelanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Madax ka socota Dalalka Afrika ee Mushkiladaha ka jiraan, wuxuuna sheegay madaxweynaha in uu shirkaas ka jeedin doono warbixin ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya, sidoo kalena uu codsan doono in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya, in tababarro la siiyo Ciidamada Dowladda iyo in Dowladda Federaalka laga caawiyo hub ka dhigista iyo Dhaqan-celinta iyo weliba in la caawiyo dadka ay abaaraha saameeyeen.
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia