Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo ku kala qeybsan Maamul ku meel gaar ah oo loo sameeyo Gobalka Hiiraan.

Cabirka Farta

Arbaco, April 16, 2008(HOL): Kadib markii intooda badan ay is-casileen Xubihii Maamulka Gobalka Hiiraan isla markaana uu isaga tagay howlihiisii shaqo Guddoomiyaha Gobalka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa jiray kulamo iyo shirir ay la haayeen Odayaasha dhaqanka Gobalka kuwaas oo looga arinsanayay sidii Maamul ku meel gaar ah loogu sameyn lahaa Gobalka Hiiraan.
 
Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ah Gudoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka ayaa dhawaan ka shanqariyay in Gobalka Hiiraan uusan laheyn wax maamul sidaa daraadeed loo baahan yahay in si ku meel gaar ah loo sameeyo Maamul sii wada hogaanka Gobalka ilaa wax iska badalayaan.
 
Laakiin kulan maalintii shalay ay ku yeesheen Odayaasha dhaqanka  Magaalada Beledweyne ayaa waxa ka dhashay doodo culus oo ku wajahan sida loo sharciyeyn karo maamul ay sameeyaan Odayaasha Beelaha xilli Dowladda Federaalka wali aysan ka hadlin arrimaha ka dhacaya Gobalka Hiiraan, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanku ku tilmaameen fikrada ah in maamul si ku meel gaar ah u dhisaan Odayaashu uu yahay  mid culeyskiisa xambaarsan.
 
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in hadda dhinacyada isku haya awoodda dalku yihiin labo kooxood sidaa daraadeed aan loo baahneyn in Odayaashu aysan noqon koox seddexaad oo xaaladda ugu sii darta.
 
Balse in badan oo kale ayaa iyaguna ku doodaya in Odayaasha Beeluhu awood u leeyihii marka marxaladan oo kale lagu jiro in ay qaataan go'aan wax lagu bad-baadinayo, sidaa daraadeed waa lama huraan ayay leeyihiin in la sameeyo Maamul wax ka qabta arimaha hada taagan.
 
Si kastaba guuxa iyo kala aragti duwanaasha ka dhaxjira Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo ka kooban 63 xubnood ayaa waxaa ugu dambeyntii ka dhashay in la magacaabo guddi ka kooban ilaa 15 xubnood oo ka soo baaraandega sida ugu suurtagalsan ee wax looga qaban karo Maamul la'aanta ka jirta Gobalka, laakiin waxaa ay su'aal ka joogta sida la isku waa fajin doono Maamul cusub oo la dhiso xiligan iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo aan wali xilka ka tagin.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia