Qarax waxyeello geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Arbaco, April 16, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu qarax khasaare geystay ka dhacay Suuqa Sarifka Magaaladaas.
 
Qaraxaas oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac soo gaaray dad kale oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ka dhawaayeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daqiiqado kadib markii uu qaraxaas dhacay ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana gebi ahaanba hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka jiray Suuqa Sarifka ee Baydhabo.

Qaraxan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ahaa mid loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, wuxuuna qaraxaasi ku soo beegmay iyadoo dhawaanahan magaalada Baydhabo ay ku soo badanayeen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dilal iyo qaraxyo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa waxaa weli ku howlgelaya oo degan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku yaaliin xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ay xafiisyo kale ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia