4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2007
Maxaa ka jira in Abwaan Sangub uu Madal Mareykan ah oo shir ka socday uu ka yiri “Xaq bey ahayd in Hargeysa la duqeeyo?”

Sabti, September 08, 2007(HOL): Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa ayaa Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Sangub oo ka mid ah Abwaanada Somaaliyeed ee caanka ah la yeeshay waraysi khaas ah oo aad u xiiso badan, isaga oo Abwaanku jooga magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti.

 

Waraysigaas oo uu Abwaanka khadka Telefoonka kula yeeshay  Tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Mr. Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), waxa uu Abwaan Sangub kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin waxa ka jira hadalo la sheego inuu ka yidhi shir ka dhacay Maraykan, kuwaas oo nuxurkood ahaa inuu taageeray duqayntii dawladii Maxamed Siyaad Barre ku qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, bal inuu Hargeysa imanayo iyo in kale iyo arrimo kale oo aad u xiiso badan.

 

Haddaba, waraysigaas oo uu wargeysku Abwaanka la yeeshay habeen hore, waxa uu u dhacay sidan:

 

Abwaan, waa Maxay Ujeedada safarkaaga Djibouti?

 

Adeer Rambo, aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin adiga iyo Bahda Geeska Afrika iyo Akhristayaashiisuba. Intaas ka bacdi, Amarulaahi, ayuun baan halkan ku imid. Dabadeedna waxaan jeclaystay inaan waayadan halkan iska joogo. Si wanaagsan ayaa la ii qaabilay oo halkan (Djibouti) ayaan ka mid ahay hadda, waanan ka soo daalay xaggii (Qurbaha) oo halkan ayaan iska joogayaa, si wanaagsan oo qadarin mudan ayaana la ii soo dhaweeyay.

 

Abwaan, Waxa jirta sheeko aad ugu faaftay gudaha bulshada Somaliland, oo ah inaad madal  Maraykan ah oo shir ka socday ka tidhi xaq ayay ahayd in Hargeysa la dumiyo oo la duqeeyo. Taasi ma jirtaa oo bal si waadix ah uga hadal?

 

Adeer hadalkaasi maaha wax uu yidhaahdo qof wax garad ahi, qof wax garad ahina wuu yidhi odhan maayo ayaan qabaa, rag wax garad ahina Hargeysa hala laayo odhan maayo ayaan qabaa. Waa hadaladaas iska ordaya ee ay weliba qoladiina Saxaafadda ee Jaraa’idada iyo Internetka oo aan anigu ku tilmaamo inaanay ahayn xil kas, ay dhuftaan, markii ugu horaysay ee aad ila hadlaysayna waxaan kugu idhi waxaan doonayaa erayga aan idhi in sidiisa loo tabiyo, waayo hadalada waxaad u dhufataan si fudud, waxaanan ku tiriyaa inaad tihiin dad dhallinyaro ah oo aan sodog lahayn, oo aan saaxiib lahayn, oo aan seedi iyo abti lahayn oo wax ay ka naxaan aanay jirin, waayo waxaas ayaa la lahaa wargeys kuma fiicna….. Hargeysa hala laayo ma afbaa?, ma wax nin weyni sheegaa.?

 

Waxaan qabaa inay tahay meel ka dhac, Hargeysa umadda Somaliyed ayay ka mid tahay mana jiro qof odhanaya hala laayo. Markaas waxa fiicnaan lahayd meesha uu eraygaasi ka soo baxay inaad daba gal ku samaysaan.

 

Markaas Adeer taasi ma dhicin mana dhici doonto, laakiin Somalidu waxay jeceshahay waxaas waa la lahaa ee ma jecla waxaas waan arkay. Sidaas daraadeed kelmadaas ma odhan wax la yidhaahdana maaha, mana aha hadal uu yidhaahdo ruux miyir qabaa. Anigu  kolkaan runta kuu sheego ma af li’I mana hadal li’I haddii aan xasarad doonayana dadka waan xasaradayn lahaa, in badan ayay xasaradi I soo gaadhay oo la igu dhego hadlay oo la iga yeedhsiiyay wax aanan odhan. Haddii aan su’aasha dib kuugu soo celiyo, maxaad u malaynaysaa inaan u baqayo ee aan u hadli la’ahay. Hargeysa waa magaaladaydii, waa dadkaygii waa ehelkaygii, mid abti ii ah, mid aanu ilmaabti nahay iyo mid sodog ii ah iyo mid aanu saaxiib nahay nin waliba intiisa wuu nabad gashadaa, markaas waxa cajiib ah sababta loogu fikirayo inaan eraygaas idhi. Ma doonayo in Hargeysa iyo beeshayda aan aflagaado gaadhsiiyo ama dhibaato ku sameeyo. Anigu ma odhan Hargeysa hala dumiyo, mana odhanayo, haddii aan wax odhanayo ama fududaanayana wax badan oo dhib ah ayaan tirsanayaa oo waan hadli lahaa.

 

Haddaba, dadka reer Somaliland ee hadalkaas maqlay maxaad odhanaysaa?

 

Waxaan odhanayaa, haddii qof uu eed sheegto waa nin cawday ee anigu ma eed sheeganayo waxbaa la igu sameeyayna ma odhanayo, waa la I dhibay ma odhanayo , ee nabad iyo caano ku waara ayaan odhanayaa. Wax cudur ah oo aan qabaana ma jirto, waxaan qabi doonaana ma jirto, waayo 17 sanno ayuun baa wax la iga sheegeeyay. Markaas reer Somaliland waxaan leeyahay nabad iyo caano ku waara.

 

Abwaanoow, wixii ka dambeeyay burburkii dawladii Maxamed Siyaad Barre, Somaliland dib ayay ula soo noqotay xoriyadeedii, oo waxa ay Somaliya isaga taagtay gaar. Adigu sidee ayaad u aragtaa gooni isu taaga Somaliland?

 

Anigu go’itaanka Somaliland waxaan u arkaa, waxay ka go’aan iyo waxay ku darsamaan inaanay dhicinba, waayo waxa laga go’aa ama lagu darsamaa dadkii wuxuun isugu yimaada. Somaliland maamul ayay samaysatay, maamul kale oo maanta yidhaahda aan wada hadalnana maba jiro. Anigu waxaan aaminsanahay dadka leh kolka aynu wax wada hadlaya aragno aan ka hadalno, laakiin waxaan aaminsanahay inay tahay wax wakhtigeedii aan la gaadhin, yaa laga go’ayaa yaase lagu darsamayaa. Ma waxa jira dad isugu yimid aan kala go’no iyo aan tashano?.

 

Dadkaas reer Somaliland dawlad ayay samaysteen, Guurti ayay samaysteen, maamul ayay samaysteen, markaas qofka ka xumi ma waxa weeye qof doonaya inay baaba’sanaato oo dagaal ka socdo sida degaladaas kale.

 

Adeer, anigu sidaydaba ma rabo inay Somali kala go’do, laakiin Somaliland maamul, Distoor iyo sharci ayay samaysatay, waxaanan qabaa in lagu tixgeliyo oo nabadgelyadeeda lagu bogaadiyo. Jamhuuriyad Somaliyeed oo tashaday oo isu timid oo is diiday ama is raacdayna ma jiraan, markaas aad ayaan ugu faraxsanahay inay nabadgelyo ahaato, laakiin anigu kolayba ama Somalida Itoobiya ha ahaato, ama Somaliland ha ahaato ama Kenya ha ahaato, ama Somali Koonfureed ha ahaate, anigu marnaba kuma faraxsani inay Somali qaybsanto.

 

Abwaan, ma ku hamiyaysaa ama qorshaha ma kuugu jirtaa inaad Hargeysa timaado?

 

Haa waan imanayaa haddii Alle idmo.

 

Abwaan, waxa jira dad kugu eedeeya inaad ka qayb qaadatay dhibtii dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay dadka reer Somaliland, xilligii aad ahayd Maareeyaha Tiyaatarka Hargeysa. Arrintaas iyana maxaad ka odhan doontaa?

 

Horta anigu dawladii Maxamed Siyaad Barre waan raacsanaa, dawladda qofna wuu raaci karaa qofna mucaarad wuu ku noqon karaa, dawladaas waan raacsanaa laakiin anigu cidna dhib uma gaysan, waxaanan u raacsanaa dawlad Somaliyeed mabda’ ayay ahayd ee dad laa’ ama dad ku duul mabda’aygu ma ahayn. Markaas anigu ma ihi dadka laba codleeya ee dawladda waan u shaqayn jiray, Maareeyaha Tiyaatarka Hargeysa ayaan ahaa. Nin dawlad u shaqeeya oo xil maareeye haya dawladaas uu u shaqaynayay wuu raacsanayahay, dawladuna dee shacab may laynayn ee ciidan ayay dagaalamayeen, Adeer Rambo [Weriyaha],  ma shacab  ayay dawladda is laynayeen ciidan ayay dagaalamayeene.

 

Laakiin Abwaan, waxa jira dad tiro badan oo reer Hargeysa iyo reer Burco ahaa oo Aqoonyahan iyo ganacsasto u badnaa oo aad adiga qudhaadu qudh iyo maan u garanayso oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre intay guryahooda kala soo baxday dhegta dhiigga u dartay. Taasi miyaanay jirin?

 

Aad ayay u jirtaa, maxay u jiri weyday. Dee waa la laayay miyaan ku farxi. Kuwaasi farax ma leh, waana khalad ee maxaa loo laynayaa iyaga oo aan waxba qabin.

 

Laakiin Abwaan, xilligaas ma tidhi maxaa dadkaas aan waxba galabsan loo laynayaa?

 

In badan ayaan idhi laakiin hadal waxba ma taro haddii aan la yeelayn. Adeer Maxamedoow (Weriyaha) hadalku waxba ma taro haddii aan la yeelayn. Marar badan ayaa la igu dacweeyay inaan ahay dadka dawladda ka soo horjeeda, laakiin dawladda kama soo horjeedin ee waxaan odhan jiray waar dadkan shacabka ah maxaa lagu laynayaa.

La Soco Cadadka Sabtida iyo qaybta labaad ee waraysiga Abwaan Sangub, oo ku saabsan waxa ka jira wararka sheega inuu Maraykanka uga soo baxsaday dacwad la sheegay inay kaga socoto halkaas, cidda uu markhaati uga dhigan karo inaanu dhibaato gaysan jirin xilliyadii dawladii Maxamed Siyaad Barre ee uu isna Hargeysa ka ahaa Maareeyaha Tiyaatarka oo uu markhaati u qabsaday magacyadoodana sheegay  dhawr nin oo Somaliland caan ka ah, Riwaayadda qabyo ee uu labada qaybood ka sameeyay iyo arrimo kale oo xiiso badan.

 

Waxaa Wareystay:

Tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika

Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)

[email protected]