Sabti,
Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee soo weeraray ayaa waxaa dhexmartay is-rasaaseyn socotay muddo dhowr iyo toban daqiiqo ah, iyadoo kadibna ay rasaastii si iskeed ah u istaagtay.
Lama sheegin khasaare dagaalkaas ka dhashay, waxaana taas ugu wacnaa iyadoo xiliga uu dagaalka dhacay uu ahaa xili habeen ah oo ay dadka guryahooda ku sugnaayeen, Magaaladana ay weli ku jirto Bandow aan la aqoonin waqtiga uu ku egyahay.
Sidoo kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku leh inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Carwo Idko ayaa iyana xalay waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, iyadoo deegaankaas laga maqlay rasaas xooggan oo ay labada dhinac is-weydaarsadeen.
Laakin C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa sheegay in rasaasta xalay laga maqlay inta u dhaxeysa Isgoysyada Carwo Idko iyo Baar Ubax ay ahayd mid u dhaxeysay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kala shakiyay, isagoo meesha ka saaray warka sheegaya in Kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya iyo weliba dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay ku jiraan Dadka Bulshada Indhaha u ah oo aan ka soo qaadan karno Aqoonyahannada, iyadoo la xusuusto in dhawaan Muqdisho lagu dilay Prof. Maxamed Axmed Xuseen (Dhoobaale) oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online