Sabti, September 08, 2007(HOL): Waxaa 6-bishan uga furmaya Magaalada Asmara ee dalka Eritrea Shir loogu magac daray Dib u xureynta dalka Soomaaliya Mas'uuliyiintii ka tirsneyd Midowgii Maxkamadaha iyo xubnihii horay uga tirsanaan jiray Baarlimaanka soomaaliya, lakiin hada la baxay (Baarlamaanka xorta ah) oo sidoo kale ay waheliyaan Aqoon-yahano ka yimid dalka dibadiisa.
Shirka oo marka la eego ujeetada ugu weyn ee laga leeyahay lagu soo koobi karo in la sii kordhiyo diidmada loo hayo Dowlada Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya, ayaa hadana dhanka kale waxaa is weydiin mudan wax uu uga duwan shirarkii horay loogu soo qabtay qaar ka mid ah wadamada diariska ah, gaar ahaan kii ugu danbeeyay ee lagu soo dhisay dowlada uu madax-weynaha ka yahay C/laahi Yuusuf Axmed.
Iskatoo Jawaabta Su'aashaasi tahay mid si cad u muuqan karta ayaa sidoo kale waxaan meesha ka marneyn in dhinacyada hada ku shirsan Magaalada Asmara la oran karo waa kuwo doonaya in waji hor leh loo sii yeelo siyaasada qasan ee dalka soomaaliya, waxaana cadaan ah in xitaa marka dhincooda la eego iskaashi buuxa la yeelanayaan Dowlada Eritrea oo la og-yahay cadaawada ka dhaxeysa Dowlada Itoobiya.
Mar hadii uu kulanku ka dhacayo dalka Eritrea Islamarkaana looga hadlayo danaha soomaaliya iyo waliba in laga xureeyo shacabka soomaaliyeed cadow ku soo duulay, Ma waxaa la oran karaa danta Soomaaliya waa mid ku xeran Iskaashi lala sameeyo Dowlada Asmara si meesha looga saaro Itoobiya, keebaase u roon shacabka Soomaaliyeed in ay raacaan Siyaasadaha is daba socda ee hadana ay kala wataan dalal horay dagaal u dhax-maray ay ku dhinteen in ka badan 100,000 oo Ruux.
Sikastaba shirka hada ka socda dalka Eritrea waxaa muuqaneysa in ugu danbeytii lagu soo dhisanayo xibiyo iyo ururo hor leh oo gala loolan siyaasadeed waliba iyaga oo taageero ka helaya Dowlada Asmara dhanka kale marka la eego xaalada soomaaliya ka taagan uga sii faa'ideysaneysa siyaasada aan quruxda badneyn ee kala dhaxeysa Dowlada Etoobiya ee iyaduna gacanta Melitari siineysa DKM ah, waase la ariki doonaa ugu danbeytii wax ka soo baxa shirkan oo ah mid la mid ah kuwii tirada badnaa ee horay uga dhacay dalka dibadiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online