Aqoon Is-Waydaarsi lagu soo gebagebeeyay Deegaanka Godinlabe ee Degmada Cadaado

Sabti, September 08, 2007(HOL): Waxaa Deegaanka Godinlabe ee ka tirsan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu soo gabagabeeyey aqoon is-waydaarsi soconayey muddo saddex maalmood ah kaasoo looga hadlayey Xuquuqda Aadanaha.

 

Siminaarkan oo loo qabtay 35 qofood oo laga soo kala xulay qeybaha bulshada ee ku nool deegaannada hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka soconayey muddo saddex maalmood ah, waxaana nuxurkiisu ahaa arrimaha ay ka midka yihiin dadka laga tirada badan yahay iyo Haweenka kaalinta ay ku leeyihiin siyaasadda, farqiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Dhaqamada Caalamka iyo weliba dib u eegista Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.

 

Siminaarkan oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa si guul leh ku dhamaatay, wuxuuna Macalin Saalax macalin Aadan oo ka mid ahaa macalimiinta siminaarkan sheegay in qofku inuu naftiisa baraa aas aaska xuquuqda aadanaha, ka dibna qoyskiisa iyo dadkale waxaana uu sheegay in ay saldhig u tahay dhawrista xuquuqda aadanaha saddexda qodob ee kala ah:

a)      Nolosha

b)      Hantida

c) iyo xoriyadda

 

Cilmi Nuure Weheliye oo ka mid ah howlwadeenada hay’adda xaquuqda aadanaha ee Gaashaan ayaa dadka uga mahadceliyey sida qurxoon ee ay araahdooda isku dhaafsadeen iyo sidoo kale waxa la kala faa’iiday, isagoo farta ku fiiqay in aragtida oo la is waydaarsadaa ay ka dhigan tahay aqoon la helay. 

 

Gebagebadii siminaarka ayey ka qeyb galayaashu u mahadceliyeen agaasimayaasha iyo fududeeyaasha siminaarkan, iyadoo siminaarkana ay fulineysay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Gaashaan oo taageero ka heleysay Hay’adda National Endowment for Democracy (NED).

 

Saciid Cabdi Axmed

[email protected]

Cadaado,Somalia