More Articles
Talaado, September 07, 2016 (HOL) — Ciidammo ka Tirsan Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ayaa Maanta la geeyay Qaybo ka mid ah xaafadda Howl-wadaag ee Degmada Beledweyne, kuwaasoo sugaya Amniga xaafadda, kaddib markii ay soo If-baxeen Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya labo beelood oo halkaas wada-dega.
Warkii oo dhan
Isniin, September 06, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta si Rasmi ah u saxiixay sharciga Asxaabta siyaasada dalka, kaasoo ogolaanaya furashada xisbiyo siyaasadeed iyo inay si sharci ah dalka uga hawl-geli karaan.
Axad, September 04, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay dufcadii 13aad ee ka qalinjabisa jaamacadda Hargeysa, Kuwaas oo tiradoodu dhamayd 862 arday oo ka baxay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacaddu ka kooban tahay.
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Xaflad uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyihii hore ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar, ayaa maanta lagu Qabtay Hoteelka Jaziira ee Muqdisho, taasoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin ka kala socotay Baarlamaanka Federaalka, Safiirro, Bulshada Rayidka ah, Aqoon-yahano iyo Mas’uuliyiinta Jaamacaddaha Dalka.
Jimco, September 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta go’aan kasoo saaray Geeddi-socodka Doorashada 2016-ka kana hadlay amniga Doorashada, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay si buuxda isugu Diyaariyaan, kana qayb-qaataan Doorashooyinka la filayo inay Dalka ka dhacaan dhawaan.