4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajka oo lagu dilay Muqdisho

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL)– Faah faaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka mid ka mid Darawalada ku shaqeysta gadiidka yar yare ee Mooto Bajaajka oo subaxnimadii hore ee saakay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku toogtay degmada Hodan.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dilkan uu dhacay kaddib markii askartii joogtay Barta ciidan ay Mooto Bajaajlaha ku amreen in uu istaago balse uu maqli waayay, sidaasi-na ay rasaas ugu fureen.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday, kaddib markii laba xabadood ay kaga dhacday dhabarka, iyada oo markii dambe uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dilalkan lagula kaco dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka Mooto Bajaajka oo joogto ka noqday magaalada Muqdisho ilaa iyo hadda kama aysan hadal hay’addaha Amaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]