4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Puntland: Go'aan laga soo saaray safirka doollarka

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL) – Deegaannada Puntland, waxaa la jaangooyay qiimaha safirka doollar oo muddooyinkii dambe sare u kacay,waxaana lugu amray ganacsatada iyo sarif la-yaasha inaysan diddii karin lacagta shillinka Soomaaliga.

Guddoomiyaha gobolka Mudug,Xasan Maxamed Khaliif oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in kulanka guddiga amniga gobolka lugu jaangooyay qiimaha safirka doollarka, waxaa kalo u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo diidda lacagta shillinka Soomaaliga.

Khaliif ayaa sheegay halka doollar wixii maanta ka dambeeya in lugu sarifi karo soddonkun oo shillin Soomaali ah gacanta hore (30sh), halka gacanta dambe lugu sarifi karo soddon iyo kow shillin (31sh), waxaa kalo baaq u direy mas'uuliyiinta gobolka ee dhinaca maamulka Galmudug oo u usoo jeediyay inay qaadaan tallaabo la mid ah go'aamada ay soo saareen ee lugu jaangooyay safirka doollarka.

Docda kale, mas'uuliyiinta gobolka Bari oo la kulmay sarif-layaasha iyo ganacsatada qaar ayaa dhankooda jaangooyay sarifka doollarka, waxaana magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso maanta halka doollar lugu sarifaya lacag u dhaxeysa 29 sh illaa 30 sh, iyadoo go'aamadan loo arka inay xal u noqon karaan qiimaha safirka oo maalmihii u dambeeyay deegaannada Puntland sare u kacay, waxaana halka doollar lugu badalayay 35 sh.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online