Dowladda oo war ka soo saartay madaafiic lagu weeraray shalay qeybo ka mid ah Muqdisho
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa
cambaareysay weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da
Luulyo 2018, Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh dirtay Qoysaska
dadkii noloshooda ku waayay weerarka, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in
si deg deg ah Alle u bogsiiyo.
Madaafiicda ku dhacday degmada Wadajir oo tiro
ahaan lagu qiyaasay ilaa Lix xabo ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof, halka ay
ku dhaawacmeen Sideed qof oo kale oo ay ku jiraan caruur dhiganeysay dugsi
Qur’aan.
Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga
Afrika ee AMISOM ayay dowladdu ku ammaanatay sida deg deg ah ee ay uga
jawaabeen dhacdadan, maadaama ay tageen goobihii loo maleynayay in laga soo
tuuray Madaafiicda.
Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu
sheegay iney ka xun yihiin in weerarkan foosha xun iyo fuleynimada ah ku soo
beegmay maalinta xornimada Soomaaliya, maalin ay farxad iyo damaashaad uu ku
jiray Qaranka iyo dadka intaba.
Ugu dambeyntii Dowladda Federaalka Soomaaliya
ayaa waxa ay ku celisay in falalka argagixisanimo aysan Soomaaliya ka saari
doonin waddada nabadda iyo dhismaha dawlad-goboleedyada, waxayna ku nuux
nuuxsatay sida ay uga go’an tahay inay dhisto mustaqbal ammaan oo barwaaqo leh.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]