3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo khudbad uu ka warbixiyay wixii Xukuumadda u qabsoomay ka jeediyay Baarlamaaaka (SAWIRRO)


Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta khudbad uu kaga warbixinayay waxyaabihii u qabsoomay muddada 100-ka maalmood ah ee ay xukuumaddiisu shaqeynayso ka horjeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ay soo xaadireen 151 xidhibaan ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu khudbadiisa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ka mid ahaa dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo khubad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay kulanka baarlamanka ayaa ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee ay shaqeynaysay, isagoo xusay in hormar ballaaran ay ka gaartay arrimaha dhaqaalaha dalka iyo daryeelka bulshada.

“Xukuumaddu waxay dadaal weyn u gashay sidii Somalia looga cafin lahaa daymo fara badan oo calaamka looga leeyahay, 100-ka maalmood ee soo socota waxaa la arki doonaa iyadoo la mid noqota dalalka daymaha qaata ee caalamka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay in adeegyada bulshada ay horumar ka gaareen sida caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo xusay in xukuumaddu ay wax weyn ka qabtay caafimaadka dalka, ayna dhameystirtay qorshayaasha caafimaad ee dalka afarta sano ee soo socda.

“Xukuumaddu waxay furtay dugsi lagu tababaro shaqaalaha caafimaadka ee dowladda. Waxayna waddaa nidaam lagu baarayo caafimaadka cunnada iyo dawada dalka soo gala, si ay u dhamaato in dalka lasoo geliyo dawooyin iyo raashin dhacay,” ayuu yiri Saacid.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in waxbarashada dalka ay qorshayaal u dejiyeen, kuaasoo ay ka mid yihiii in hal milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho, dibna loo furo iskuuladii ay dowladdu maamuli jirtay.

Khudbadiisa ayuu sidoo kale kusoo qaaday sharciyadii ay golaha wasiirradu ansixiyeen intii ay xukuumaddu jirtay ayaa wuxuu sheegay inay ansixiyeen, sharciga maaliyadda, kan garsoorka, xeerka guddiga xuquuqul insaanka, hidisaha sharciyada maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, sharicga bankiga horumarinta Soomaaliya iyo canshuuraha iyo kuwo kale, isagoo xusay inay sharciyo kale oo ay ka mid yihiin midka isgaarsiinta iyo saxaafadda ay gacanta ku hayaan, ayna u soo gudbin doonaan baarlamaanka markii ay go’aan ka garaaan.

Maamulka Puntland oo uu ka hadlay ayuu sheegay in xukuumaddu ay si aad ah u soo dhaweynayso horumarka ay ku tallaabsadeen, isagoo xusay inay u diyaarsan yihiin inay gacan ka siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo uu sheegay inay doonayso inay ammaanka Puntland wax u dhinto.

Dhanka kale, maamul u sameynta Jubbaland oo uu ka hadlay ayuu sheegay in waxay jeceshahay yihiin Jubbaland aysan isaga ku xirnayn, balse ay tahay in la ixtiraamo dastuurka dalka oo cid walba ka sarreeya, isagoo sheegay in dastuurku uu ogol yahay in dalkan lagu maamulo hab federal ah, ayna arki doonaan dadka jecel in maamul Jubbaland ah la sameeyo maamulka ay jecel yihiin.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland isagoo sheegay inuu ugu hambalyeynayo Somaliland horumarka ay gaartay, xiriirka iyo wadahadallada u dhexeeya ayuu sheegay in marnaba aysan noqon doonin, xasarad fara isku tag-taag ah, dagaal iyo dil, waxaanan aaaminsanahay siina xoojin doonnaa wadahadal si nabadgalyo ah, iskaashi iyo walaalnimo ah oo ay ku jirto danta Soomaaliya. Wax intaas dhaafsanna  uma soconno cidna tuhun yuusan ka gelin, horumarka ay gaareenna waan ugu hambalyeynaynaa.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/3/2013 1:03 PM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maayarka golaha deegaanka magaalada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle ayaa sheegay maanta in golaha deegaanku Saylac uu cod aqlabiyad ah ku hakiyay ama ku diiday inay xildhibaanadii is-casilay ka aqbalaan is-casilaadooda. Arrintaas oo uu sheegay maayarku inay filayaan inay wax iska bedelaan.

3/3/2013 12:38 PM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha, Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa xoghayaha dowladda hoose ee Saylac u magacaabay, Bashiir Cilmi Waabari xoghayihii komiishanka doorashada ee gobolka gobolka Salal oo hore u qaadacay natiijada doorashada ee Saylac, taasoo dhalisay khilaaf aad u xoog badan isla markaana sababtay in xildhibaannadii beesha Ciise uga soo baxay ay dhammaantood is-wada-casilaan.

3/3/2013 11:32 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay, C/fitaax Ibraahim Maxamed (Geeseey) ayaa maanta xilkii ku wareejiyay Cabdi Aadan Hesoow oo ah guddoomiyaha cusub ee dowladda Somalia ay u magacowday guddoomiyaha gobolka Bay.

3/3/2013 8:34 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo ay horay maxkamada gobolka Banaadir ugu xukuntay hal sano oo xabsi ah, iyadoo sii daysay maxkamaddu gabar sheegtay in la kufsaday oo iyadana horay loogu xukumay hal sano oo xabsi ah.

3/3/2013 8:02 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shalay oo Sabti ahayd albaabbada isugu dhuftay Radio Al-Ixsaan oo ka mid ah idaacadaha madaxabannaan ee ka howgala degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo xarigaas uu si adag u cambaareeyay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

3/3/2013 7:38 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka degmadda Gabiley, ayaa ansaxsaday miisaaniyad sanadeedkii ay ku shaqayn doonaan sanadkan 2013-ka, taas oo ay ka muuqato mushahar kordhin loo sameeyey shaqaalaha dawladda hoose iyo xidlhibaanadda golaha deegaanka Gabiley.

3/3/2013 7:15 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ay weliyaan ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo saakay ka ababaxay magaalada Baladweyne ayaa gaaray deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud bartamaha Soomaaliya.

3/3/2013 7:08 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Sida ay u xaqiijiyeen HOL dadka deegaannka Halgan xarakada Al-shabaab ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay meel fagaaro ah ku gubay lacag shil Soomaali ah oo lagu sheegay cadadkeeda ilaa 25 milyan.

3/3/2013 3:26 AM EST
Axad, March 03, 2013 (HOL) - Dadweynaha dalka Kenya ayaa maalinta isniinta ah u dareeri doona gooba codbixinta si ay u soo doortaan madaxweynahoodii afraad.

3/3/2013 1:36 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Deegaanno ka tirsan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto biyo la’aan xooggan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool deegaannadaas.

3/3/2013 1:08 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa lagu wadaa in khudbad uu kaga warramayo howlaha u qabsoomay xukuumadda uu ka jeediyo maanta fadhiga baarlamaanka uu ku yeelanayo xaruntiisa Muqdisho.