4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo lix bilood oo xabsi ah ku ridday Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto

Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo ay horay maxkamada gobolka Banaadir ugu xukuntay hal sano oo xabsi ah, iyadoo sii daysay maxkamaddu gabar sheegtay in la kufsaday oo iyadana horay loogu xukumay hal sano oo xabsi ah.


Wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto)

Garsooraha maxkamadda xukunka ridday, Maxamed Xasan Cali (Wariiri) ayaa sheegay in xabsiga wariyaha ee halka sano ah ay ka dhigeen lix bilood kaddib markii ay wariyaha ku cadaatay eedeymihii loosoo jeediyay, balse wuxuu sheegay in gabadha loo waayay markhaatiyaal eedeymihii markii hore lagu xukumay.

Xukunkan ayaa waxaa kasoo horjeestay garyaqaankii u doodayay wariye C/casiis Koronto oo lagu magacaabo, Maxamed Maxamuud Faarax, wuxuuna xukunkan ku tilmaamay mid cadaaladda sal ku lahayn, isagoo xusay inay u gudbin doonaan kiiskan maxkamadda sare ee dalka; si go’aan kama dambeys ay uga gaarto.

Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay xariga maxkamadda iyadoo xoghayaha guud ee ururka, Cumar Faaruuq uu ku tilmaamay xukun ku saleysan howsha uu wariyuhu bulshada u yahay, isagoo sheegay in xukunkaas uu aad uga naxiyay.

Sidoo kale, Faaruuq wuxuu ugu baaqay maxkamadda sare ee dalka inay si cadaalad ah u eegto kiiskan, ayna ku saleyso shaciga dalka u yaalla, ayna wax ka weydiiso arrintan dadka xog-ogaalka u ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa isagu soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, wuxuuna ku tilmaamay inuu caddeyn u yahay madaxbannaanida hay’adaha sharciga ee dalka.

“Waan ku faraxsanahay inaan arko go’aanka maxkamadda rafcaanka ay ka gaartay xukunka wariyaha oo markii hore ahaa 12-bilood, Laakiinse kuma faraxsani in wariyaha oo xiro howshiisa. Waa in la xushmeeyo xorriyadda iyo madaxbannaanida saxaafadda ee dastuurkeennu uu qabo,” ayuu yiri Saacid.

Dhanka kale, Luul Cali Xasan oo ahayd gabadhii sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda ee maxkamaddu ay sii daysay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay sii daynteeda, waxayse xustay in xariga wariyaha ay aad uga walwalsan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya