4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Maamulka Ximin iyo Xeeb oo howshii ka joojiyay Idaacad Madax-bannaan oo ka howlgasha Cadaado iyo NUSOJ oo cambaareysya

Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shalay oo Sabti ahayd albaabbada isugu dhuftay Radio Al-Ixsaan oo ka mid ah idaacadaha madaxabannaan ee ka howgala degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo xarigaas uu si adag u cambaareeyay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Idaacaddan ayaa hawada ka baxday, kaddib markii ay xarunta idaacaddaas tageen ciidammo ka tirsan maamulka oo wata gaari kuwa dagaalka ah una geeyay maamulka warqad ay ka sideen madaxweynaha maamulkaas Maxamed Aadan Tiiceey, taasoo lagu amrayay in idaacadda howlaheeda la joojiyo.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in sababta idaacadda loo xiray ay tahay iyadoo sii daysay warar ku saabsan qorshayaal uu maamulku ku doonayay inuu kula dagaalamo burcadbadeedda iyo qalabkii isbitaalka Cadaado oo si xun loo maamulay, taasoo uu maamulku ku sheegay in lagu carqaladeynayo ammaanka magaalada, wararkaasna ay yihiin kuwo si toos ah uga hor-imaanaya siyaasadda maamulka.

“Waan cambaareynaynaa falka lagu xiray idaacadda waana mid aan la aqbali Karin, waana tallaabo ka horimaanaysa xorriyadda saxaafadda, waxaana ku talinaynaa in loo ogolaado idaacadda inay howlaheeda si dhaqso ah dib ugu billowdo,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan oo Muqdisho ku sugan.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaan ka hadlin xariga Radio Al-Ixsaan oo muddo laba sano ah ka howgalaysay degmada Cadaado, waxaana idaacaddu ay baahisaa barnaamijyo ku saabsan diinta Islaamka, inkastoo ay sidoo kale sii dayso wararka caadiga ah.

Idaacadda oo ah mid madaxbannaan ayaa ahayd tii ugu horreysay oo laga furo degmada Cadaado oo xarun u ah maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah maamullada ka jira bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya