4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Ra’isul Wasaaraha Somalia oo ka soo Horjeestay shirka Maamul u Sameynta Jubbooyinka ee ka socdo Kismaayo

Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horeeysay sheegay in xukuumadiisu ay kasoo horjeedo habka uu u socdo shirka  maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee maalinimadii shalay ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose..

Ra’isul wasaare Saacid oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in shirkaasi ay ka maqantahay kaalintii ay ku lahayd dowladda, isagoona sheegay in xukuumadiisu ay si cad u sheegeeyso in ay kasoo horjeedo shirkaasi.

Masuulkani ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd in ay dadka isugu yeerto, Muraaqabeeyso, hogaamisana shirka, balse wuxuu xusay in doorarkaasi oo ay lahayd dowladdu in ay ka maqanyihiin shirka, isagoona xusay in uu ku faraxsanyahay sida ay shacabka reer Jubbaland u daneynayaan nidaamka Federalismka.

“Dadka waa u hambalyeynayaa waxa quruxda badan oo ay qabsadeen, way jecelyihiin dadku inay raacaan dastuurka, inaguna waanu jecelnahay Jubbaland, hadii dadku jecelyahay federal System-ka ayey ku dhamaaneeysaa, dastuurkuna waa ogolyahay, say rabaan bayna u dhisanayaan, laakiin waxaan kasoo horjeednaa marin darrada, loomana dulqaadan karo mana ogolin baan af cad ku leennahay,” ayuu ra’isul wasaaruhu hadalkiisii raaciyay.

Masuulkani ayaa sheegay in danta dowladdu ay tahay danta dadka, wuxuuna xusay in aysan dooneyn in gobollada Jubooyinka ay dib ugu noqdaan taariikhdii mugdiga ahayd ee ay kasoo gudbeen, islamarkaasina xukuumadiisu ay kasoo horjeedo in Jubooyinka uu dhiig danbe ku daato, wuxuuna intaa ku daray in wixii aysan dowladdu ka dhex muuqan ay ku dhamaan doonaan meel aan qurux badnayn, waa siduu hadalka u yiri.

Dhinaca kale ra’isul wasaare Saacid ayaa sheegay in casuumad uu u diray masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo taasoo ahayd in ay kasoo qeybgalaan shir wadatashi oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho, aysan jirin ilaa imika cid kasoo jawaabtay.

“Waxaan diray wafdi uu ka koobanyahay  todobo wasiir iyo taliyaha ciidanka, waxaan u dhiibay casuumad qaas ah oo aan ku casuumay cid walba ama gaar ahaan ninka odayga ah oo cariga aadka looga yaqaan in ay yimaadaan halkan oo aynu ku casuunno, amase anigu aan meesha ugu tago. Wax jawaab oo Final (kama danbeys) ah, waa la imaanayaa maahane mudadaas dheer iyo wafdiga sidaa u qurxoon ma aanan ka helin, amase nooguma imaanin halkan anagana nalakuma dhiiri gelin inaanu xaga tagno oo wax aad u qurxoon maanan arkin,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Hadalka kasoo yeeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii labaad uu magaalada Kismaayo ka soconayo shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada uu maro webiga Jubba ee laisku yiraahdo Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya