4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Bandhig Faneed lacago loogu Ururinayay Carruurta Darbiyo-Jiifka ah oo Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Bandhig faneed ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo loogu talo-galay in dhaqaalaha kasoo baxa lagu caawiyo caruurta darbiyo jiifka ah ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Fannaaniin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Lafoole, Farxaan Xidig, Raxma Ruuxiiyo Faadumo Duur oo kasoo laabtay qurbaha ayaa heeso ka qaadanayay bandhig faneedkan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waana kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto Muqdisho muddo ka badan 22-sano.

“Arrintan waxay tusaale u tahay in mujtamaca Soomaaliyeed uu isku soo laabanayo, uuna is-caawiyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo bandhigga ka hadlay.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan rabnaa in tujaarta Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii mustaqbalka caruurta dhedeenna ku dayacan loo badbaadin lahaa. Waana wax laga wanaagsan yahay in cunug shan jir ah uu dhibaatada haysata awgeed uu koollo u dhuuqo si uu isku illowsiiyo dhibaatada haysa, taasna mid ceeb ku ah bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay in caruurta darbiyo-jiifka ah ay yihiin lambar aad u yar oo wax loo qaban karo, isagoo ku baaqay inaan lagu fiirsan dayaca ay hadda ku jiraan.

Intaas kaddib waxaa goobta ka hadashay Faadumo Duur oo ah fannaanad Soomaaliyeed oo sheegtay inay u soo guurtay dalka oo aysan doonayn inay mar dambe dib ugu laabato qurbaha, waxayna ballanqaaday inay codkeeda ku taageeri doonto sidii caruurta Soomaaliyeed ee dayacan wax loogu qaban lahaa.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkaa caruur koollo dhuuqaya, kuwaasoo aan haysan daryeel caafimaad iyo mid nololeed, waxaana caruurtaas ay isugu jiraan kuwo qaan-gaar ah iyo kuwo aan qaan-gaarro ahayn.

Dadweynihii kasoo qaybgalay bandhig-faneedkii xalay oo midkiiba uu bixiyay 20 doollar ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay dhaqaalahooda ku bixiyaan sidii lagu caawin lahaa caruurta Soomaaliyeed ee ku dayacan waddooyinka Muqdisho.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya