Hiiraan Online
Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Nov 20, 2012
Dad fara badan oo ku dhaawacmay Rasaas ay Milateriga Kenya ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Bartamaha Gaarisa
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhaawacmay rasaas ay milateriga Kenya ku fureen maanta dad shacab ah oo isugu soo ururay bartamaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari-Kenya, halkaasoo tan iyo shalay ay ka socdeen rabshado ka dhashay saddex askari oo la dilay.
Goobjoogayaal ku sugan degmadaas ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen dadka shacabka ah oo isugu soo ururay suuq lagu magacaabo Suuq Mugdi oo xalay gubtay, iyadoo dadkii ku dhaawacmay la dhigay isbitaalka degamdaasi.
Xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto degmadaas ayaa sheegay inay dowladda Kenya ka jeesatay dhibaatada ay ciidamada milaterigu ka wadaan Gaarisa, isagoo ka dalbaday wasiirka gaashaandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji inuu ciidamada milateriga ah ka saaro degmadaas.
"Haddii saddex askari oo la dilay oo keliya magaalada loo gubayo, haweenka loo kufsanayo dadkana loo dhibaateynayo waa mid aan innagu ka tashanayno, balse waxaan u sheegaynaa wasiirka gaashaandhigga inay ciidamadooda la baxaan, haddii kale waxaan ogeysiinaynaa inaan iyaga iyo innagu wada deggenaan doonin magaalada," ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre.
Waxgarad iyo culummo ka hadlay rabshadaha ka taagan Gaarisa ayaa sheegay inay wax lala yaabo tahay in askar la dilay oo keliya loo baabi'iyo magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari. Haddii wasiirka gaashaandhigga uusan waxba ka qaban karin arrintan waxaan ka dalbanaynaa inuu iscasilo.
Madaxa isbitaalka Gaarisa Dr. Muuse ayaa VOA-da u sheegay in 15 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan lasoo gaarsiiyay isbitaalka. Iyadoo dadka dhaawacyadu ay soo gaareen ay ka mid yihiin arday ay ciidamadu ugu galeen iskuulladii ay wax ku baranayeen.
"Innagoo iskuulka joogna kuna jirna imtixaan ayay ciidamadu soo galeen iskuulka, rasaas ayay nagu fureen, aniga gacanta ayay iiga dhacday, arday kale oo fara badanna dhaawacyo kala duwan ayaa gaaray," ayuu yiri arday magaciisa ku sheegay Aadan Dhaqane oo ka mid ahaa dadkii dhaawacooda la geeyay isbitaalka.
Haween ka mid ah kuwii waxyeelladu kasoo gaartay howgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan magaalada Gaarisa iyo kuwo ganacsigooda uu ku gubtay suuqii weynaa ee magaaladaas ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Kenya inuu isagu mas'uul ka yahay dhibaatada lagu hayo shacabka magaalada Gaarisa ayna isaga guuri doonaan haddii aan dhaqanka wax laga bedelin.
Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Kenya ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay falal ammaan-darro ah oo kala duwan, kuwaasoo u badnaa dilal kala duwan oo loo geystay ciidamada dalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Kulan looga Hadlayay Ammaanka Xaafadda Islii oo ka Dhacay Magaalada Nairobi [SAWIRRO]
11/20/2012 9:28 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) —Kulan ballaaran oo looga hadlayay sidii loo xallin lahaa rabshadaha kasoo cusboonaaday xaafadda Islii ee u dhexeeya Soomalida Islii ku dhaqan iyo kooxo dhalinyaro ah oo ka yimid xaafadda Madari islamarkaasina ka careysnaa qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee gudaha xaafadda Islii lagula eegtay gaari Bas ah.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hay'adaha Qaramada Midoobay ka Dalbaday inay u soo Guuraan Magaalada Muqdisho
11/20/2012 9:06 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday laamaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Dowladdu ay gaari doonaan dhawaan Magaalada Jowhar
11/20/2012 8:25 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka hadlayay waxyaabaha ay qaban doonto wasaaraddiisa ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ay ka taliso Al-shabaab.
Tababarka loo soo xiray saraakiisha iyo ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid casri ah
11/20/2012 8:02 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Inkastoo tababarka loo soo xiray saraakiisha iyo ciidamada maamulka gobollka Hiiraan uu socday mudo gaaban, ayeey haddana saraakiisha ciidamada AMISOM sheegeen in uu ahaa mid casri ah oo ka faa’ideen intii ka qeyb-qaadatay.
Kooxo hubeysan oo Nabaddoon Caan ahaa ku diley Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug
11/20/2012 7:16 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL)-Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay lagu diley Nabad-doon si weyn loo yaqaaney , laguna magacaabi jirey Aadan Faarax Dheere. Rag Baaskoolado ku hubeysnaa oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay toogteen.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxii ay ku dhinteen dadka rayidka ah ee ka dhacay Nairobi
11/20/2012 2:44 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerar bambaano oo Axaddii lagu qaaday gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay bartamaha Nairobi, weerarkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 30-qof oo kale.
Nabaddoon lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
11/20/2012 2:43 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Beesha Cali Yacquub ee Abgaal ayaa ku caleemo saaratay Muqdisho nabaddoon kaddib kulan ay qaybgaleen waxgarad, culimaawidiin, siyaasiiyiin iyo oo shalay oo Isniin ahayd lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Xaaladda Magaalada Gaarisa oo kacsan iyo suuqii weynaa ee Magaaladaas oo gabi ahaan gubtay
11/20/2012 2:29 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) —Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howgallo ay shalay ilaa xalay ka fuliyeen magaalada Garissa ku qabqabtay boqollaal qof oo reer Garissa ah, kadib markii shalay sedex askari lagu dilay magaaladaasi.
Xaaladda Islii oo Saaka Dagan iyo Ganacsigii oo Dib u Furmay
11/20/2012 1:31 AM EST
Talaado, November 20, 2012 (HOL) —Waxaa saaka xaalad deganaan ah laga dareemayaa xaafadda Islii oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay ka jireen rabashado u dhexeeyay Soomaalida degan xaafadda iyo dad ka careysan qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee ka Dhacay Isllii.
Somali News
Somali President condemns grenade attack in Kenya
-
Africa Review
11/20/2012 5:42 PM EST
Somali President Hassan Sheikh Mohamud has condemned the horrific grenade attack on a public service bus in Nairobi's Eastleigh estate.
Learning Under the Gun
-
Huffington Post
11/20/2012 5:41 PM EST
Like many of the Somali youth I interviewed in Kenya, “Xarid M.” had braved the streets of Somalia’s capital, Mogadishu, for as long as he could to go to school. But that all changed the day the Islamist insurgent group al-Shabaab brought the war to his classroom.
Crisis-torn Somalia faces new dangers
-
UPI
11/20/2012 5:40 PM EST
Somalia, gripped by war for more than two decades, faces another violent spasm as Islamist fighters of al-Shabaab unleash a guerrilla campaign.
Al-Shabaab withdraws from Buurhakaba as allied forces advance
-
Sabahi
11/20/2012 5:38 PM EST
The Somali National Army, backed by African Union Mission in Somalia (AMISOM) forces, are heading towards the strategic town of Buurhakaba in the Bay region, Somalia's Shabelle Media Network reported Tuesday (November 20th).
US judge: Somali colonel responsible for torture
-
AP
11/20/2012 5:36 PM EST
COLUMBUS, Ohio (AP) — A former military colonel with a Somali security force dubbed the "Gestapo of Somalia" by its critics was responsible for the torture of a human rights advocate in the 1980s, a federal judge ruled Tuesday in a decision that opens the door for a hearing on potential financial damages.
Somalia fall to Victoria
-
Super Sport
11/20/2012 5:29 PM EST
Sam Ssimbwa opened his Somalia account on a losing note when the Ocean Stars were beaten 4-1 by Sports Club Victoria University in a friendly played at Namboole Stadium on Tuesday.
Pitched battles between ‘Kenyans’ and Somalis in Nairobi
-
AFP
11/20/2012 7:00 AM EST
NAIROBI (AFP) – One side surges forward only to retreat under a hail of stones then the opposing side advances and comes in for a flurry of stones – in Eastleigh, a quarter of Nairobi that was the scene of a deadly attack, youths of Somali origin Monday battled Kenyans from other communities.
Ethiopia’s Somali refugee camp becomes world’s second largest
-
Sudan Tribune
11/20/2012 4:23 AM EST
November 19, 2012 (ADDIS ABABA) – The number of Somalia refugees sheltered at Ethiopia’s Dollo Ado refugee camp has hit a record high of 170,000 making it the world’s second largest refugee complex, according to the UN refugee agency (UNHCR).
Residents react to erratic blasts, silence bustling Eastleigh
-
Standard
11/20/2012 4:22 AM EST
On a normal day, women spread their wares, vehicles incessantly honk and hawkers shout for attention as people wade through the labyrinth that is Eastleigh.
Kenya: Police Hunt for Rogo's Somalia Trained Son
-
The Star
11/20/2012 4:19 AM EST
DETECTIVES are looking for a son of the slain Muslim cleric Aboud Rogo who has sneaked into the country from Somalia. Highly placed intelligence reports indicate that the 17-year-old, an explosives expert, is among suspects plotting a major retaliatory attack in Mombasa.
London: UK slaps Kenyan travel ban amid Nairobi violence
-
PANA
11/20/2012 4:19 AM EST
Nairobi, Kenya - The United Kingdom issued a new travel advisory against Kenya on Monday, warning its citizens against travel to trouble spots, including inching closer to within 60 km of the border with Somalia. The travel ban also targets areas in the country's coast, where kidnapping of a British couple and a French hostage led the authorities in Kenya to deploy the military in the hunt for Al Shabaab attacks.
Ohio mall terrorism defendant deported to Somalia
-
AP
11/20/2012 4:17 AM EST
A Somali immigrant who federal prosecutors say plotted to attack an Ohio shopping mall has been deported to Somalia.
Somali livestock trade booming despite ravages of war
-
Sowetan Live
11/20/2012 4:14 AM EST
At Hargeisa's dusty livestock market two men quietly size each other up, haggling over animal prices by placing fingers on their chequered headscarfs to indicate how much they would pay.
Fresh violence rocks Garissa
-
Standard
11/20/2012 4:13 AM EST
Several people have been injured following fresh clashes between gangs and police in Garissa Town.
Alberta man faces deportation to Somalia, where he has never lived
-
Globe and Mail
11/20/2012 4:11 AM EST
Saeed Jama is awaiting his fate. He’ll be deported soon, perhaps Tuesday, because he’s a convicted drug dealer whose time in Canada has run out.
Rising xenophobia against Somalis in Kenya
-
Al Jazeera
11/20/2012 4:08 AM EST
Twenty-one victims from Sunday’s explosion of a minibus in Nairobi’s Somali-dominated Eastleigh suburb popularly known as “little Mogadishu” are still recuperating at the country’s main hospital, Kenyatta national hospital.
Russia to Continue Anti-piracy Mission Off Somali Coast
-
RIAN
11/20/2012 4:03 AM EST
New York, Nov 20 (IANS/RIA Novosti): Russia will keep its naval task force in the Gulf of Aden as part of an international effort to fight sea piracy off the Somali coast, Russia's UN envoy Vitaly Churkin said.
Need For 'Multi-Dimensional' Approach To Combating Piracy
-
UN News Centre
11/20/2012 4:02 AM EST
At Security Council, Un Deputy Secretary-General Flags Need For 'Multi-Dimensional' Approach To Combating Piracy
UN seeks tougher prosecutions of pirates
-
AAP
11/20/2012 4:01 AM EST
THE United Nations has called for stronger prosecutions of pirates and more action by shipping companies to deter bandits at sea.
Navy SEALs vs. Somali Pirates Film ‘High Value Target’ in Development
-
Screen Rant
11/20/2012 4:00 AM EST
When American special forces unit SEAL Team 6 rescued a pair of aid workers from Somali pirates earlier this year, it became only a matter of time before someone decided to create a dramatization of the incident. Such bigger-than-life stories are just too solid a source of inspiration for Hollywood to pass up.
Somalia’s security gains under threat
-
Financial Times
11/20/2012 3:56 AM EST
Farah Abdulsamed was tucking into two symbols of Somalia’s nomadic and colonial heritage – camel steak and spaghetti – when a more pressing symbol of its chaotic present put an abrupt stop to his lunch.