4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Nabaddoon lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Beesha Cali Yacquub ee Abgaal ayaa ku caleemo saaratay Muqdisho nabaddoon kaddib kulan ay qaybgaleen waxgarad, culimaawidiin, siyaasiiyiin iyo oo shalay oo Isniin ahayd lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Munaasabada ayaa lagu caleemo saaray nabaddoon Cali Maxamuud Maxamed Raage oo ku magac dheer (Cali Ganey), kaasoo noqon doona nabaddoon ay leedaay beeshan, iyagoo sheegay in nabaddoonkan uu iyaga matalayo.

Mas'uulinta beesha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in beesha Cali Yacquub aysan muddo dheer dooran nabaddoon kaddib geeridii ku timid nabadoonkii hore ee beesha.

Xaflada oo ay ahayd mid aad u qurux badan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xubnihii ka qaybgalay waxayna sheegeen in nabadoon Cali Ganey uu yahay nin caan ah oo kasoo bixi kara xilka ay beesha u dooratay, waana sababta keentay ayay yiraahdeen inuu hoggaan u noqdo beesha Cali Yacquub ee Harti Abgaal.

Ugu dambeyn, waxaa khudbad ka jeediyay munaasabadda nabadoon Cali Maxamuud Maxamed Raage (Ganey) oo ah nabadoonka la doortay isagoo sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay xilka loo wakiishay, isagoo ka dalbaday xubnaha beesha oo dhan inay gacan ku siiyaan howshiisa.

Nabdoonka ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday inuu si toos ah ula shaqeyn doono ugaasyada, boqorada, babaddoonnada, malaaqyada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee beelaha Soomaaliyeed, isagoona beeshiisa iyo beelaha kale ka codsady inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya